Guddoomiyaha xisbul-xaakimka KULMIYE, ahna murrashaxa Madaxweynaha ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa baaq culus ka soo saaray dhiillada colaadeed ee ka taagan deegaannada degmada Ceel-afweyn ee gobolka Sanaag iyo waliba muranka ka taagan diiwaangelinta la doonayo in laga hirgeliyo lixda goobood ee Xeebta galbeed ee dalka.
Guddoomiye Muuse Biixi oo warbaahinta kula hadlay xafiiskiisa magaalada Hargeysa, ayaa wax laga naxo ku tilmaamay colaadda laba beelood oo walaalo ah ku dhexmaraysa deegaanka Ceel-afweyn, isagoo ugu baaqay in si degdeg ah loo joojiyo dagaalkaasi, isla markaana waxa uu tacsi u diray ehelada dadkoodu ku geeriyoodeen halkaasi, kuwa dhaawacmayna Alle uga baryey inuu caafimaad sareecan ah siiyo, “Waxaan tacsi u dirayaa dhammaanba ehelka iyo qoysaska ay ka dhinteen dadka tirada badan ee dhintay oo saddex iyo toban kor u dhaafaya oo maanta wax macquul ah oo ay ku dhinteen oo weyni aanay jirin ee ay tahay geeri naxdin leh oo ah kaa dhimay oo kugu dhimay, dhaawacuna waxa uu gaadhayaa dhawr iyo labaatan weyn, waana mashaqo weyn Ilaahayna waxaan ka rajaynayaa inuu dagaalkaas innaga qaboojiyo ummadda qalbigeedana isu-soo-jeediyo,” ayuu yidhi Muuse Biixi Cabdi.
Guddoomiyaha oo hadalkiisa sii wata, ayaa ugu baaqay dhinacyada dhibtu dhexmartay inay joojiyaan dirirta, isagoo si waayeelnimo ah ugu hogo tusaaleeyey dhibaatada colaaduhu leeyihiin iyo riiqda mahadhada ah ee laga dhaxlo, waxaanu yidhi, “Aniga oo magacayga iyo ka xisbigaba ku hadlaya waxaan codsanayaa in la joojiyo colaadda, gaar ahaan cidda maanta dhimashada badani ku dhacday waxaan ka codsanayaa dadkaas maanta dhintay soo noolaan maayaan, aargoosina dad inoogu kordhi maayaan wax inaga dhinta mooyaane, weynu naqaanaa aanada Soomaalida iyo aargoosigu wiilka wiilkiisa ayey gaadhaa, dadkuun baana ku dhammaada, baro-kac baa ka dhasha oo caydh iyo saboolnimo iyo qaxooti baynu ka qaadnaa, dadka lagu muusanaabayo ee la leeyahay rag badan baa la innaga laayey oo laga yaabo inay taas gurmad ku galaan waxaan leeyahay walaal joojiya colaadda.”
“Maanta uma baahnin col la abaabulo, uma baahnin beelaha oo isu soo gurmada ee labada dhinacba waxaan si toos ah uga codsanayaa inay arrintaas abaabulka ah joojiyaan oo caqligu shaqeeyo oo khasaare intaasaa inoogu filane aynu dhimasho dambe ilaalino. Walaalayaal waxaad u badan tihiin dadkii waddankan u soo halgamay, waxaanad ogtihiin wixii idinkaga dhintaye’ maanta shaydaankaa idinka dhex kacay wixii caqli lihi ha qabtaan oo halla joojiyo gurmadka, tollo’ayda iyo gurmadka isu soo ururaya, waxaana la idinka doonayaa in dadku ceelashii ka wada cabbaan oo dumarka qaxootiga, orodka iyo silica laga daayo, waxaynu u baahanay inaynu dhaawaceena wada dhayanno oo agoomaha laga dhintay aynu wada taban-taabino,” ayuu yidhi Guddoomiyuhu.
Dhinaca kalena, Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE waxa uu ka hadlay doodda ka taagan diiwaangleinta ay xukuumadda iyo Komishanku dhawaan iclaamiyeen in laga qaban doono lixda deegaan ee xeebta galbeed ee dalka, waxaannu masuuliyiinta, qaranka iyo kuwa dhaqankaba ugu baaqay inay si xilksanimo ah arrintaas uga hadlaan oo aanay lumin milgaha ay xambaarsan yihiin, waxaana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Waxaan codsanayaa in masuuliyiinta golayaasha Qaranku ay golayaashooda ku doodaan oo aanay warbaahinta iskaga jawaabin, taasina waa fool-xumo, ninka Baarlamaan ah, ama Guurti ah ama wasiir ahi haka hadlo golihiisa dadka oo dhan buu hoggaamiyaaye, waxaynu u baahanay in wixii khaldan aynu  nabadgelyo ku wada dhammaysanno,

waxa la yidhi go’aan codka in laga qaado deegaannadaas ah baa jira, haddii la leeyahay dhibaataa ka jirta sow kama wadahadli karno, waa in aynu isweydiinaynaa inay suurtogal tahay iyo in kale, dadkuna way isu yimaadaan oo wixii macquul ah baa lagu wadahadlaa.”
Guddoomiyuhu waxa uu mar kale caddeeyey in xuduudaha gobollada iyo degmooyinka dalku ku salaysanyihiin nidaamkii uu dhigay gumaystihii Ingiriisku, “Waxaan leeyahay arrinta xuduuduhu way caddahay oo distoorkaa loo raacayaa oo waa xadkii uu Ingiriisku ka tagey, labada dhinacna marka aad dhegaysato taasay oggol yihiin oo la iskuma diidana, meeshana ma taallo wax dadka fino looga dhex abuuraa, qof baana qaldami kara’e waa in laga dow-mariyaa haddii cidi gadarro ku dhacday, qarankuna waa inuu ciddii dambi ku dhacday uu qabtaa, labadaas tallaabona waa caddaan oo weynu qaadaynaa wixii is-afgaranwaa ahna waxa aynu ku dhamaynaynaa wadahadal.”
Murrashaxa Madaxweynaha KULMIYE waxa uu soo jeediyey in la isu caqli celiyo oo la is qanciyo, isla markaana laga dheeraado fidno abuurka, “Ninka diiddan in lixda goobood cod laga qaado waa ra’yiye waa in laga dhegaystaa oo uu qanciyaa ka kale, ka leh ha laga qaado diiwaangelintana waa ra’yiye waa la dhegaystaa oo ay is qanciyaan ee isku dili mayno cod halla qaado, arrin weyn oo dalka khalkhal loo geliyo oo gobollada fidno looga dhex abuuro oo cidi cid wax jiidhsiinayso maaha,” ayuu yidhi Md. Muuse Biixi Cabdi.
Ugu damabayntii waxa uu Guddoomiye Muuse Biixi sheegay in doodda taagan lagu dhamayn doono is af-garad iyo is-faham, “Wixii aynu heshiis ku nahay uun baa la kala yeeli wixii gar ahna waa la kala qaadan, cid cid kale qasbaysa oo ciidan ama dawladnimo ama xoog ku qasbaysaana ma jirto ee walaaltino, talo, qaran iyo inaynu wax wada wadaagnaa la doonayaa, waxaanan rajaynayaa inaynu arrinteena wadahadal ku dhammayn doonno wixii aynu ku heshiino ee macquul ahna keeno oo waliba la isu dul qaato,” ayuu hadalkiisa ku soo ururiyey Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi.