Somaliland: Dugsi Loogu Magac-daray Suldaankii Taariikhda Ku Galay Nabadeyntii Somaliland

0
896

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo tacliinta sare ee Somaliland Cabdillaahi Ibraahim Habbane (Cabdillaahi-dheere), ayaa xadhigga ka jaray Dugsiga sare oo Wasaaradda Waxbarashadu ka hirgelisay degmada 31-ka May ee Koonfurta Magaalada Hargeysa, kaasi oo loogu Magac-daray Suldaan Maxamed Suldaan Faarax,  oo Alle ha u naxariistii oo ka mid ahaa Mujaahidiintii SNM isla-markaana taariikhda ku galay inuu ahaa Suldaankii ugu horeeyay ee bud-dhigay Nabadda Somaliland, ka dib markii Beeshiisa Maroodi-jeex Gobolka HAWD ay Sagaashannaadkii Hubka ku wareejisay xukuumaddii Madaxweyne Cigaal.

Munaasibad ballaadhan oo lagu qabtay xarunta dugsigaasi ayaa waxa ka qayb galay Wasiirka Waxbarashada, Wasiir ku xigeenka Warfaafinta, Suldaan Cumar Suldaan Maxamed, Suldaanka Guud ee Beelaha Subeer Awal Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi, Sheekh Aadan-Siiro, Ex. Xldhibaan Khadar-Ambassador iyo Marti-sharaf kale oo tiro badnaa.

Afhayeenka Wasaaradda Waxbarashada Somaliland Cabdilaahi Ibraahin Xaaji Xasan oo ka hadlay Munaasibaddan ayaa ka warramay qorshihii dugsigan lagu hirgeliyey, waxaanu yidhi “Muddo Afar Sannadood ku dhow ayaanu dhulka Iskuulka laga dhisay daba soconay, afar Wasiir oo soo maray Wasaaradda Waxbarashaduna way u kala danbeeyeen, markii hore qorshuhu waxa uu ahaa in dugsiga Quule Aadan Dool halkan laga yagleelo, laakiin markaas ka dib waxa la go’aamiyey in goobtan laga dhigo dugsi kale oo deegaanka u soo kordha, dugsigaas oo ah kan loogu Magac-daray  ama lagu magacaabo Suldaan Maxamed Suldaan Faarax Secondary School”

Guddoomiyaha Guddida horumarinta beelaha Gobolada Hawd iyo Hargeysa ee Afgarad Maxamed Warsame oo ka hadlay furitaanka dugsigan ayaa sheegay inay Wasaaradda Waxbarashada ku garab taagan yihiin hir-gelinta dugsigaasi waxaanu yidhi, “Wasiir, haddaanu nahay Guddida Afgarad, waxaanu kuu ballan qaadaynaa inaanu kula qabano wixii hawlo ah ee loo baahan yahay, sida ballaadhinta dugsiga, maamulka dugsiga iyo wixii kale ee loo baahan yahay.”

Suldaanka Guud ee Beesha Gobolka HAWD Suldaan Cumar Suldaan Maxamed Suldaan Faarax, ayaa isaguna Munaasibadda lagu furay Dugsigan Cusub ka yidhi, “Dugsigan waxa ka horeeyey dugsi kale oo xaafaddan ku yaalla oo hoose/dhexe oo lagu magacaabay Suldaan Maxamed Suldaan Faarax, dugsigana waa kii sare ee dhamaystirayey, aadna waan ugu mahad-celinayaa Wasaaradda Waxbarashada iyo Cid kasta oo ka qayb gashay. dedaalka dhamaystirka dugsigana waxaan u soo jeedinayaa bulshada magaalada Hargeysa deggan ee shirkadaha ganacsiga ee gaarka loo leeyahay iyo ganacsataduba inay ka qayb galaan wixii horumar iyo dhisme ah ee dalku leeyahay ee manaafacaad leh sida cusbitaallada iyo dugsiyada.”

Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey (Sheekh Aadan-siiro) oo isaguna halkaa ka jeediyay hadal kooban, ayaa sheegay inuu diyaar u yahay inuu ka qayb-qaato sii horumarinta Dugsiga loogu Magac daray Suldaan Maxamed Suldaan Faarax.

Munaasibaddan oo sidoo kale, ay hadallo ka soo jeediyeen Mulkiilaha Dugsiyada Nuuradiin Mahad Ibraahim Maxamed, Khadar-Ambassador iyo Masuuliyiin kale oo ay ka mid tahay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Marwo Shukri Xariir Ismaaciil, ayaa waxa Gabogabadii ka hadlay Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Cabdillaahi Ibraahim Habbane (Cabdillaahi-dheere), waxaanu sheegay in Dugsigan sare ee Laga hirgeliyey Degmada 31-ka May ay geli doonaan Ardayda Sannadkan ka baxday Fasallada 8-aad ee dugsiyada Cali Jaamac iyo Faadumo Biixi, “ Ardayda fasallada 8-aad ee ka soo baxday dugsiyada Cali Jaamac iyo Faadumo Biixi ayaanu ku soo qornay dugsigan sare ee Suldaan Maxamed Suldaan Faarax. Ardaydaasina Maamul iyo Macalimiin waxtar leh oo tusaale u noqda bulshada kale ee aynu doonayno inaynu keenno.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray, “Waxa kale oo aynu doonaynaa inaynu dugsiga ballaadhino, deyr-na u samayno, arimahaasina way ina horyaalaan.

Annagu haddaanu nahay reer AWDAL suldaan Maxamed Suldaan Faarax taariikh ayuu noogu fadhiyaa, maalintii nabadda la unkayey beesha uu madaxda ka ahaa wixii ay Gaadiid, hanti iyo hub ay haysteen maalin kaliya ayuu dhiibay, markaa nabadda Tolliinkeedii ayuu kow ka ahaa, waxa kale oo uu laba ka ahaa hub ka dhigistii, waxa uu saddex ka ahaa doorkii uu ku lahaa shirarkii ka dhacay Boorama iyo Hargeysa. Sidaas darteed ayaanu suldaanka ku maamuusnay inaanu magaca dugsigan ka dhigno Dugsi taariikhi ah oo ka qayb gala horumarka iyo nabadda Somaliland, waana lagama maarmaan inaynu xusno dadkeenii taariikhdii inooga tagay.”

Suldaan-maxamed (1)