War Deg Deg Ah: Saddex Xisbi Qaran Oo Isla Qaatay In La Hakiyo Diiwaangalinta Laga Bilaabaayo Waqooyiga Hargeysa Lixda Goo…

0
1243

Warar xog ogaal ah oo ay shabakada Wargane ka helayso madax ka tirsan saddex xisbi qaran ee Somaliland ayaa waxaa ay sheegayan in gudida doorashooyinka iyo saddexda xisbi qaran  ay shalay kulan ku yeesheen magaalada Hargeysa isla  markaana ay kaga hadley arinta goobaha waqooyiga

Wararka aan kulankaasi ka helnay ayaa waxaa ay sheegayan in saddexda xisbi iyo gudida doorashooyinku in ay isla garteen in la hakiyo diwaangalintii hore loo shaaciyey in laga qabanaayo lix goobood oo ku yaalla waqooyiga Hargeysa ilaa iyo inta xal rasmi ah laga gaadhayo ama la kala xadeynaayo .

Sidoo kale warar aanu ka helayno madaxtooyada ayaa sheegaya in madaxtooyada laftigeedu ay aqbashay go,aankaasi ay saddex xisbi iyo kominshanku isla  gaadheen isla markaana maalinta bari ah la filaayo in gudida doorashoyinku saxaafada la hadlaan isla markaana ay u shaaciyaan bulshada reer Somaliland in la hakiyey diwaangalintii lixdaas goobood

Wixi Warar Ah Kale sii Soco Shabakada Wararka Ee Wargane News