War Deg Deg Ah: Dabley Hubaysan Oo Xalay Gudaha Magaalada Laascaanood Ku Diley Nin Ganacsade Ah Mid Kale Oo La Socdayna Ku Dhaawacay

0
1042

Wararka naga soo gaadhaya magaalada laascaanood ee xarunta gobolka sool soona gaadhaya xafiiska shabakada Wargane ayaa sheegaya in xalay dabley hubaysani ay dil toogasho ah ku dileen nin kamid ahaa ganacsadayaasha kasoo jeeda gobolka sool iyaga oo sidoo kalena ku dhaawacay nin la socday ganacsadaha.

Dableydan falka gaystay oo la sheegay inay ku hubaysanaayeen baastooladdo ayaa marxuunka ay dileen waxa lagu magacaabi jirey Marxuun Maxamed Xirsi Yuusuf iyaga oo sidoo kale dhaawac u gaystay nin la socday marxuunka.

Wararka ayaa waxay intaa ku darayaan in dableydu ay ka baxsatay markiiba goobtii ay falku ka dhacay,waxaana maydka marxuunka iyo dhaawaca ninka la socdayba naloo sheegay in la geeyey cusbitaalka magaalada laascaanood.

Ilaa hadda lama garanayo sababaha ay dableydan hubaysan u dileen ninkan ganacsadaha ah,balse ciidamada booliska ayaa ku daba jira soo qabashada dableydan falka gaystay.