Somaliland: Wasaaradda Waxbarashada oo Daahfurtay Buugaagta Manhajka Cusub ee Waxbarashada Qaranka

0
804

Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Somaliland ayaa shalay daahfurtay dibuhabaynta muqarrarka iyo daabacaadda buugaagta manhajka cusub ee waxbarashada qaranka Somaliland.

Munaasibaddii loo qabtay daahfurkan oo lagu qabtay xarunta Wasaaradda Waxbarashada ayaa waxa ka soo qaybgalay Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Md. Cabdillaahi Ibraahin Habbane, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Md. Cabdi Cali Jaamac, Madaxa Machadka Manaahiijta ee Wasaaradda Md. Cabdillaahi Yaasiin, Madaxa Xafiiska Imtixaanaadka qaranka Md. Daa’uud Axmed Faarax, madaxda kala duwan ee laamaha Wasaaradda iyo marti-sharaf kale oo door ah.

Madaxa Machadka Manaahiijta Qaranka ee Wasaaradda Md. Cabdillaahi Yaasiin Diiriye oo ugu horrayn ka hadlay madasha daahfurka daabacaadda buugaagta manhajka ayaa ka soo sheekayay maraaxilkii kala duwanaa ee ay soo martay hawsha dibuhabaynta iyo daabacaadda buugaagta cusub.

“Marka la isku geeyo buugaagta aqoonyahannadeennu diyaariyeen, ee ay iskaa wax-u-qabsada ku diyaariyeen, waxay tiradoodu gaadhaysaa 95 buug oo isugu jira fasalka 1aad ee dugsiyada hoose ilaa fasalka 4aad ee dugsiyada sare” ayuu yidhi Md. Yaasiin, madaxa machadka Manaahiijta qaranka Somaliland, isaga oo intaa raaciyay: “Macallimiinta reer Somaliland ee ka qaybgashay dejinta buugaagtan oo isaga kala yimid gobollada dalka, khaasatan jaamacadaha iyo dugsiyada sare ee dalka, waxay tiradoodu dhammayd 106 aqoonyahan.”

Waxa kale oo iyaguna halkaa ka hadlay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada Md. Cabdi Cali Jaamac iyo Madaxa Xafiiska Imtixaanaadka Qaranka Md. Daa’uud Axmed Faarax, iyaga oo si isku mid ah uga hadlay muhiimadda uu qaranka u leeyahay daabacaadda buugaagta manhajka cusub ee Somaliland.
Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Md. Cabdillaahi Ibraahin Habbane, ayaa isaguna ku nastay muhiimadda uu leeyahay helitaanka manhaj qaran oo Somaliland gaar u leedahay iyada oo ka madax-bannaan kaalmada dhaqaale iyo saamaynta fikir ee shisheeyaha.
Wasiirku waxa uu xusay in buugaagta manhajkan cusub lagu kharash-gareeyay lacag gaadhay 2 milyan oo dollar, isaga oo taa liddigeedana carrabaabay in ay qiime aad u jaban ku gaadhi doonaan ardayda Somaliland oo dhan, miyi iyo magaalo labadaba.

“Buugga dugsiga hoose/dhexe waxa laga siinayaa ardayga 1.70$, ka dugsiga sare na waxa laga siinayaa wax ka yar 3$. Buugaagtaa qaarkood waxay ka badan yihiin 200 oo bog, nuxurka uu sido iyo quruxda daabacaddoodana waad aragtaan” ayuu yidhi Wasiir Habbane, isaga oo ammaan u soo jeediyay shirkadda HEMA ee daabacday buugaagta manhajka cusub ee qaranka, oo u ku majeertay maalgalinta ay sameeyeen iyo tayada sare ee buugta ay daabaceen.
“2 milyan oo dollar ay nimankaasi (HEMA) ku kharash-gareeyeen daabacaadda buugtan. Waa ayo cidda tujaarteenna ka mid ah ee maanta 2 milyan oo dollar galinaya buugaag?” ayuu is-weyddiiyay Wasiir Cabdillaahi Ibraahin Habbane.

Ugu dambaynna, Wasiir Habbane waxa uu si rasmi ah u shaaciyay hirgalinta manhajka cusub ee Waxbarashada Qaranka oo dhaqangal noqonaya laga bilaabo taariikhda September 1, 2016.
Manhajka cusub ee buugaagtiisa la soo daabacay ayaa la rejaynayaa inuu door shariif ah ka qaadan karo kobcinta garaadka ardayga iyo soo-saarista jiil tayo leh oo ummadda u arrimiya timaaddada dhow.