Somaliland: Xildhibaanada Gobolada Awdal Iyo Selel Ee Muxaafid Iyo Mucaarad Ah Oo Isugu Tagay Magaalada Borama.

0
841

15 Xildhibaan ee Gobolada Awdal iyo Salel kaga jira Golaha Wakiilada Somaliland oo iskugu jira Mucaarad iyo Muxaafid ayaa iskugu tagay Magaalo Madaxda Gobolka Awdal ee Boorama, waxaana ujeedada ay halkaas iskugu tageen uu yahay dareen celin ay kaga dareen celinayaan go’aankii Xukuumadda ee ahaa in Diiwaangelinta laga bilaabo oo Doorashada Madaxtooyadu ka dhacdo lixdii goobood ee muranku ka taagnaa ee Waqooyiga Hargeysa.

Xildhibaan ka tirsan Golaha Wakiilada kana jeeda Gobolkan oo isagu ka cudur daartay in magaciisa la baahiyo ayaa isaga oo Wargeyska Geeska Afrika u waramay, wuxuu sheegay in xildhibaanada Awdal iyo Selel oo isku duuban uu maanta u bilaabmi doono shir ay kaga tashanayaan go’aanka xukuumadda, isagoo geesta kalena sheegay inay soo saari doonaan go’aan jawaab u ah xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo.

Xildhibaanadan ayaa shalay isugu tagay magaalada Borama, waxaanay go’aankooda ka hor saaka shir la galayaan madaxda dhaqanka ee gobaladaas.