Somaliland: Khasaaraha Dagaal Laba Beelood Ku Dhexmaray Aagga Ceel-afweyn, Tirada Dhimashada Iyo Dhaawaca, Dhaqdhaqaaqa Ciidamada Militeriga Iyo Walaaca Taagan

0
868

Dagaal u dhexeeya laba beelood oo walaalo ah, ayaa markale ka bilaabmay deegaanka DOGOBLE oo qiyaastii 60-km dhinaca Waqooyi kaga beegan degmada Ceel-afweyn ee gobolka Sanaag.

Sida ay sheegayaan wararka halkaas kasoo baxayaa, waxa dagaalkaasi daba socdaa isku dhac deegaanka BACAHA dhawaan isla labadan beelood ku dhexmaray oo ay xukuumaddu dhexdhexaadintiisa ku hawllanayd, kaas oo haatan keenay dhimasho iyo  dhaawac soo gaadhay shacab hubaysan oo dagaallmay.

Isku dhaca beelahan walaalaha ah oo markale casarkii shalay dub u curatay, ayaa jawi colaadeed gelisay guud ahaanba deegaannada ku hareeraysan degmada Ceelafweyn oo ay labadan beelood wada degaan, waxana inta ilaa iyo haatan naloo xaqiijiyey halkaas ku geeriyooday saddex nin oo laba kamid ah la sheegay inay walaalo ahaayeen, halka dhaawacu ku dhaw yahay ilaa iyo shan qof.

Warku waxa uu intaas ku darayaa in gurmad ballaadhani halkaas ka socdo, iyadoo baqdintu ku faaftay maatida halkaas deggen inkastoo ay xukuumaddu awood badan iskugu geysay sidii ay shaqaaqadaas u demin lahayd.

Guddoomiyaha gobolka Sanaag Md. Axmed Cabdi-falaay oo ciidamo xooggan watta, ayaa soo gaadhay degmada Ceel-afweyn, waxana ciidamada la geeyey goobaha lagu dagaallamay oo intooda badan ay isku urursanayaan maleeshiyo beeleedyo kasoo kala jeeda beelaha dagaallamay.

Xalinta Shaqaaqadii Hore oo dhimasho keentay, ayaa Hadda waxa ku hawllanaa guddi ballaadhan oo uu wasiirkii hore ee arimaha gudaha soomaliland Cali Maxamed Waran-cadde u saaray, waxase haatan dib usoo istaadhay dagaalkan cusub ee dhimashada iyo dhaawaca badani ka dhashay.

Ilaa xalay ciidamo kala duwan oo kuwa militeriga iyo Booliska iskugu jira, ayaa deegaannada shaqaaqadu ka dhacday ku qulqulayey, waxana soo kordhaya walaaca laga qabo inuu dagaalku ku faafo goobo kale oo labadan beelood wada deggaan.