Somaliland: Bah-Dilka Turkiga Oo Sadaqo Hiliba Siinaya Somaliland Wakhti Uu Malaayiin Dollar Ku Bixiyo Somalia Iyo Habrashada Xukuumadda

0
1864

Inkasta oo Waddanka Turkigu malaayiin iyo malaayiin dollar sannad walba ku bixiyo taageerada waddanka Soomaaliya haddana waxa shacabka reer Somaliland layaab ku noqotay in badana ay dhallinyaradu baraha xidhiidhka bulshada maalmihii ugu dambeeyey isku waydaarsanayaan war-bixinta la xidhiidha deeqda sadaqada ah ee Hilibka ah ee dalka Turkigu hay’addiisa gargaarka Bisha Cas u soo marinayo Somaliland sida ay dhawaan baahisay qunsuliyadda Somaliland ee Turkigu Somaliland ku leeyahay oo laga maamulo safaaraddiisa Muqdisho.
Hay’adda Bisha Cas ee Turkiga ayaa xaqiijisay inay hay’ad ahaan ku dhawaad 200 oo neef oo xoolo ah ku qali doonaan Somaliland marka la gaadho Ciidda Carafo oo ku beegan 20-ka September 2016, sida la filayo, haddii rabi ogolaado iyadoo Madaxweynaha dalkaasina uu xoolo odxiyo ah u qorsheeyey Somaliland iyo dalal kale oo caalamka ku kala yaal.
“Madaxweyne Erdogan, ayaa ugu deeqay xoolaha uu ugu talogalay Ciidal-odxaha Bisha Cas ee Turkiga si loogu qalo Somaliland, Macedonia, Suuriya, gaar ahaan magaalooyinka Suuriya iyo Aleppo, Falastiin, gaar ahaan marinka Qasa.” Sidaa waxa lagu yidhi qoraalka uu faafiyey Madaxweynaha Hay’adda Bisha Cas ee Turkiga Dr. Kerem Kınık. Dhinaca Qunsuliyadda Turkigu ku leeyahay caasimadda Hargeysa, ayaa qoraal ay ku baahisay barteeda Twitter-ka waxa ay iyana ku sheegtay in Bisha Cas ee Turkigu ugu talogashay in Ciidal-odxaha lagu qalayo lo’ tiradeedu dhan tahay 200 neef.
Turkiga oo ah mid sannadihii ugu dambeeyey si weyn siyaasad ballaadhan uga lahaa wixii la isku odhan jiray Soomaaliya si weyna wax uga qabtay baahiyaha aasaasiga ah ee dalkaasi Soomaaliya ayaan marnaba wax la taaban karo oo deeq ah ka gaysan dhinaca Somaliland haddana taa baddalkeeda muddoba ku hawlanaa wada hadashiinta Somaliland iyo Somalia. Iyada oo deeqdan hilibka sadaqada ahi ku soo beegmayso wakhti Turkigu malaayiin Doollar ku kharash gareeyey dib u dhiska dalkaasi Soomaaliya walise aanay xukuumadda Somaliland hal tallaabo oo fal celin ah ka samayn xaglinta badheedhka ah ee Turkiga walina ay sii hoos joogaan iyaga oo mar walba ku celceliya in Turkugu saaxiib la yahay Somaliland.
Muxuu Turkigu Ka Qabtay Somalia Muxuuse Taray Somaliland?
Dhinaca Soomaaliya:
– Dayactirka iyo dhismaha Madaarka Muqdisho oo malaayiin dollar ku baxday
– Dacaytir iyo dhismayaal cusub oo Cisbitaallo ah oo malaayiin dollar ku baxday. Tusaale ahaan Cisbitaalka Digfeer oo Turkigu dib u dhisay mar uu Safiirkii hore ee Turkiga u fadhiyay Soomaaliya Kamaludin Kani Torun ka hadlay deeqda ku baxday cisbitaalka waxa uu sheegay in ay ku bixiyeen lacag gaadhaysa 35-milyan oo doolar oo ku baxday dhismaha iyo qalabeynta Cisbitaalka Digfeer oo ay ku sheegeen in uu noqday mid ka mid ah isbitaalada ugu casrisan geeska Afrika.
– Dayactir iyo dhismayaal cusub oo dhinaca waxbarashada ah
– Safaaradda ugu weyn oo uu ka furtay Muqdisho
– Bilaabidda shirkadda Diyaaradaha ee TURKISH AIRLINES
– Kumannaan Deeqo Waxbarasho ah.
-Dhismaha iyo maalgelin culus oo uu ku sameeyey dhinaca Ciidamada iyada oo uu tababarro dhinaca ciidamada ah deeqo ku siiyey saraakiil badan oo dhallinyaro ah, gaar ahaan ciidamada Cirka oo uu u diyaarinayo
– Kab joogto ah oo uu malaayiin dollar ku siiyo miisaaniyadda dawladda Muqdisho.
-Deeqo dhinaca raashinka, Daawooyinka iyo Gaadiidka ah
Dhinaca Somaliland:
Turkigu tan iyo markii uu bilaabay siyaasaddiisa Soomaalida waxa uu Somaliland gashaday oo muuqdaa ma jiro marka laga tago qaddar aad u yar oo mucaawimo raashin ah iyo furitaanka xafiis yar oo qunsuliyad ah oo hoos tagta safaaraddiisa Muqdisho oo ah mid hawlo ballaadhan ka wadda dalkaasi Soomaaliya.