Xukuumadda Oo Ka Hadashay Dhawaaq Deel-qaaf Ku Ah Qaranimadda Dalka Oo Ka Soo Yeedhay Turkiga

0
988

Wasiirka arrimaha dibada Somaliland Dr. Sacad Cali Shire, ayaa ka jawaabay hadal Sabtidii ka soo yeedhay safiirka dawladda Turkiga u fadhiya dalka Soomaaliya Olgan Bekar, oo sheegay in ay Somaliland u aqoonsan yihiin qeyb ka mid ah Soomaaliya. Wasiirku waxa uu sheegay in qaranka Somaliland uu yahay wadan dhisan oo jira lehna taariikh ma guurto ah.

Wasiirka Khaarajiga sidoo kale waxaa uu ka hadlay dugsiga Nile-Accadami ee laga leeyahay dalka Turkiga iyo qorshaha xukuumadda Somaliland uga meel yaala. “Wadanka Turkiga cilaaqaad qoto-dheer oo fog ayaa innaga dhexeeya, waxaana jirtay mar aynu ka mid aheyn dawladii Islaamiga aheyd ee uu Turkigu hogaaminayay, waxaanay dalkan innala joogeen sannadihii 1874-tii ilaa 1884-kii, intii ay innala joogeenna wax badan ayay dhiseen oo aynu maanta intifaacsanno, oo ay ka mid yihiin biyaha dekada Barbera iyo dekadda kalluumeysiga ee magaalada Barbera, waanu ka xunahay in la afganbiyo dawlad si dumuquraadi ah loo soo doortay,”ayuu yidhi Wasiirka Khaarjigu.

Wasiir Sacad sidoo kale waxaa uu sheegay in wadanka Somaliland uu yahay wadan taariikh leh ee aanu ahayn wadan imika la yagleelayo waxaanu yidhi “Haddii aynu Somaliland nahay, Somaliland waa wadan, jira mana aha mid hadda la curinayo ee waa wadan taariikh leh, 1887 ilaa 1960-kii waxaynu ka mid aheyn, wadan ka mida wadamadii dawlada Ingiriiska hoos iman jiray, Calan gaar ah iyo astaan gaar ahna waynu lahayn. sannadkii 1960-kii markii aynu xornimada qaadanay baarlamaan ayaynu lahayn, Ra’iisal wasaare ayaynu laheyn, oo dawlad ayaynu ahayn, lagana di0waan-geliyay oo laga aqoonsaday jimciyada quruumaha ka dhaxeysa, innaga oo dawlada oo aanay cidina ina khasbeyn ayaynu go’aansanay inaynu dawladii Soomaaliya ku biirno.”

“Dhibaatadii innaga soo gaadhay isku darka labada dawladood ka dib dadkeennu waxay go’aansadeen inaynu la soo noqono xoriyadeennii, muddo shan iyo labaatan sannadood ah, ayaynu sidaa u ahayn wadan sidaas u taagan oo xor ah, oo dimuquraadiyada buuxiyayna shuruudihii looga baahnaa, markaa Somaliland inay wadan tahay iyo inaanay ahayntoona, cidna marti ugama aha, caalamkuna sidaasi ayuu innoo aqoonsan yahay, haddii aan sidaa la inoo aqoonsana heshiis la inalama galeen, markay madaxdeenu wadan kale tagaana waxa lagu soo dhaweeya mansabka ay leeyihiin.

Waxa jira wadamo badan oo caalamka ah oo innoo fiiseeya baasaaboorkeenna, taasina waxa ay caddeynaysaa inaynu nahay wadan isagu maamulkiisa leh oo aan qeyb ka aheyn wadan kale,”ayuu yidhi Wasiir Sacad Cali Shirre.

Sidoo kale Wasiirka arrimaha dibaddu waxa uu ka hadlay qorshaha xukuumada uga meel yaalla dugsiga Nile-Academy oo lala xidhiidhinayo inuu gacan saar la leeyahay ninka loo haysto inqilaabkii dalka Turkiga ee Maraykanka degan, waxaanu yidhi “Waxaa jira Iskuul la yidhaaho Nile Accademy waxaana lagu xidhiidhiyay in iskuulkani, gacan saar la leeyahay ninka loo aanaynayo inuu ka dambeeyay inqilaabkii dhicisoobay ee dalka Turkiga.”

Wasiirku waxa uu intaasi raaciyay “Wadanka Turkigu waxa uu innaga codsaday inaynu iskuulkaasi xidhno, hase ahaate wadanku nidaam ayuu leeyahay oo iskuulkani shahaado uu wadanka kaga hawl-galo ayuu heystaa, heshiis baanaynu la galay, waxaanu yidhi “Baadhitaan ayaanu sameynaynaa, markaa iskuulkaasi haddii inqilaabkaasi uu qeyb ka yahay sharcigayagu waxaa uu na yidhaahdo uun baanu ka yeelaynaa.”
“Haddii ay soo bixi weydana waxay noqonayaan dad aan dambi lahayn, waxaananu rajeynaynaa in arrintaas iyo go’aankaasi la innagu ixtiraamo, wixii aynu dan moodnana inaanay cilaaqaadkeenna, saamayn ku yeelan.waxaanu quudaraynaynaa in cilaaqaad intan ka badan aynu wadanka Turkiga yeelanno, markaas arrinkaasi waxba u dhimi maayo xidhiidhka innaga dhaxeeya, iyo geedi socodka xidhiidhka labada wadan.”

Wasiirka oo ka hadlayay natiijadda socdaal wefti uu hoggaaminayay ku tageen Nairobi oo ay baanka adduunka kula saxeexdeen mashruuc ay ku baxayso toban kun oo doolar, oo lagu tayaynayo shaqaalaha dawladda, waxaanu yidhi “Waxaanu halkan kaga tagnay wefti ka kooban lix xubnood, ujeedada safarkayaguna waxay aheyd inaanu heshiis la soo saxeexanno baanka adduunka, laguna tayeynayo shaqaalaha dawladda mashruucan oo socon doona shan sannadood oo ay ku baxayso toban milyan oo doolar. markaa qeybtii sannadka hore oo ah laba milyan iyo badh, ayaanu soo saxeexnay.”