Wasiirka Biyaha Oo Su’aal Geliyay Cidda Ay Metalaan Kooxda Khaatumo

0
905

Wasiirka khayraadka biyaha ee Jamhuuriyada Somaliland, Baashe Cali Jaamac, ayaa sheegay in wada hadal u socdo xukuumadda Somaliland ee uu ka tirsan yahay, kooxda Khaatumo ee uu hogaamiyo Cali Khaliif Galaydh ee colaadaha ka wadda deegaamo ka tirsan Sool iyo Xaysimo. Waxa kale oo uu su’aal ka keenay cidda ay metalayaan.

Wasiirka Biyaha, waxa kale oo uu sheegay in kooxda Khaatumo ee uu hogaamiyo Cali Khaliif Galaydh aanay matalin beelaha ku dhaqan deegaamada gobolada Sool iyo Buuhoodle, balse ay soo dhawaynayaan wada hadal lagu gaadho xal nabadeed.

 Baashe Cali Jaamac waxa uu sidaasi ka sheegay hadal uu ka jeediyay shir ay beesha Maxamuud Garaad ay ku yeelatay magaalada Adhicadeeye ee gobolka Sool, isaga oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Qolada Khaatumo waxaan leeyahay, Dhulbahante ma wada metashaan, weliba maanta boqolkiiba shan ayuu marayaa intaad meteshaan, haddiiba la helo.”

 “Waxba la qarin maayo ee haddii aad Khaatumo tihiin wada hadal baa Somaliland idiin socda aan la shaacin, waana mid is waydiin yeelanaysa cidda aad meteshaan, waxay ila tahay ciddii tashatay ma metalaysaane, ciddii aan tashan ayaad metalaysaan, waxaana jira qoddobo aad isku maan-dhaafsan tihiin, waana wax la ogyahay,”ayuu ku dooday Wasiirka Biyuhu.

Mudane Baashe Cali Jaamac waxa uu soo dhaweeyay wada hadalka u dhexeeya Somaliland iyo kooxda Cali Khaliif Galaydh, waxaanu yidhi “Waxaan leeyahay Khaatumo soo dhawaada, haddii aad Profesorro tihiin, sida Cali Khaliif iyo Cali Ciise Cabdi, iyo haddii aad xubno tihiinba, durbaanno waaweyn ayaanu idiin diyaariney oo aanu idinku soo dhawaynaynaa.”

Hadalka Wasiirka Biyuhu wuxuu  ku soo beegmayaa iyadoo hogaamiyaha kooxda Cali Khaliif maalin ka hor shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Buuhoodle ay nuxurka hadalkiisa ka mid ahayd ”Inta aynu iyadoo dhabarku ina muuqdo u kala dhuuman lahayn Somaliland, waxaa ka habboon in innagoo mideysan aynu wixii innagaga maqan ka doonano.”

Si kastaba ha ahaatee waxaa illaa iyo hadda si habsami ah u socda geeddi socodkii midaynta beelaha dega Sool, koonfurta Sanaag iyo Buhoodle oo intoodii badnayd wasiirka biyaha iyo weftiga uu hogaaminayaa gaadheen xaqiijinta ka midho dhalinta hadafka ugu habboon ee beeshaas iyo Somaliland ay xal  u helaan kala duwanaanshahooda arragtida siyaasadda.