Munaasibad Lagu Muunaynayo Qurba Joogta Togdheer Oo Lagu Qabtay Burco

0
860

“Madaxweyne Siilaanyo Wuu u Abaal-guday Qurbo-jooga Oo Dawladuba Waxay u Badan Tahay Qurbo-joog

Wasiirka hawlaha guud iyo guriyaynta Somaliland Cali Maxamad Xasan (Mareexaan) ayaa ka qeyb-galay xaflad balaadhan oo loo sameeyay qurba joogta gobolka Togdheer u dhalatay oo lagu qabtay guriga madaxtooyadda ee magaalada Burco xalay.

Waxa xafladan oo ah mid sannadle ahi ay noqonaysa tii saddexaad ee qurbo-jooga gobolka Togdheer loo qabto xaflad lagu dhiiri-gelinayo inay maal-gashadaan isla markaana ka qeyb qaataan mashaariicda horumarinta ee laga fulinayo gobolkaas. Waxa kale oo iyaguna ka qeyb galay
Wasiirul-dawlaha wasaarada qorsheyta qaranka, Maxamuud Aadan Jaamac Galaal, Badhasaabka gobolka Togdheer,Maxamad Aadan, badhasaabka gobolka Sanaag, Axmed Cabdi Falay, Maayarka degmada Burco, Maxamad Muraad, xildhibaanno ka tirsan Golaha deegaanka Burco, dhalinyarro, haween iyo qurbo joog lagu qadaray ku dhowaad 900 oo qof.

Wasiirka hawlaha guud, guriyeynta iyo gaadiidka Cali Xasan Maxamad oo ugu horeyn isagu madashaasi ka hadlay ayaa sheegay in qurbo-jooga dalku ay noqdeen qaar kaalin shariif ah ka qaata dhaqaalaha dalka, waxaanu yidhi “Somaliland gabi-ahaan waxa ay ku tiirsan tahay, ee ilaha dhaqaale uga yimaaddaan waa qurba joogta, haddii barigii hore laf dhabarta dhaqaale ee wadankeennu ahaa xoolaha nool imika waxaa ku soo kordhay lacagta iyo hantida dadka qurba joogta ahi soo diraan.”

Wasiir Cali Mareexaan waxa uu qiray in Madaxweyne Siilaanyo u abaal-guday qurbo-jooga oo xukuumaddu u badan tahay qurbo-joog, waxaanu yidhi “Dawlada uu hogaaminaayo Madaxweyne Siilaanyo waa ay idiin abaal-guday, xukuumadda Madaxweynaha Somaliland dhisay badankeeduna waa qurba-joog, markaa idinka laf-ahaantiinu soo guura oo wadankiina hooyo dhista, haddii kale waxaa ay noqonaysaa in dhaliisha aad nala leedihiin oo aad wax ku yeelataan.”

“Waxaan xafladdan uga mahadnaqayaa maamulka gobolka oo suurtagaliyey badhasaab Maxamed Aadan, Maayarka Burco iyo Xildhibaan Mubaarig Yuusuf Cilmi (Bidhi) oo xafladan soo agaasimay oo waliba aan ku ammaanayo xildhibaanka kaalinta uu ka qaato horumarinta degmadda Burco iyo gobolka Togdheer-ba. Waxaan masuuliyiinta Gobolka iyo degmadda ku bogaadinayaa xafladan quruxda badan ee ay nagu soo casuumeen,”ayuu yidhi Wasiirka Hawlaha Guud.

Wasiirka oo si gaar ah ula hadlayay qurbo-jooga Togdheer iyo kaalinta lagu wado inay qaataan, waxa uu yidhi “Qurbo-joogtu iyagaa dhisa oo balaadhiya dalkeenna, horumar kasta oo dalku gaadhana qeyb ayey ka yihiin, ka dawlad ahaan aad ayaan ugu mahad-celinayaa, gaar ahaan idinkuna haddii aad tihiin qurbo-joogta gobolkan waa inaad dhisataan gobolkani idinkaa u maqan horumarkiisa.’’

Xildhibaan Mubaarig Yuusuf Cilmi (Bidhi) oo isagu soo qaban-qaabiyay, soona agaasimay xafladaas, ayaa u mahad-celiyay qurbo-jooga gobolka Togdheer ee xilligan ku sugan dalka ee soo ajiibay marti-qaadkii ay u fidiyeen.

“Xukuumadani waa xukuumaddii wax-qabadka, oo wax badan ayay qabatay, markii Madaxweynuhu yimidna waxaa noo suurto-galay iskuulkii dhegoolayaasha, xaruntii darbi jiifka, waxaa noo hir-galay iskuulkii farsamada gacanta, waxaa dib u furmay Airport-kii gobolka Togdheer, waxaananu jecelahay inaanu soo dhaweyno firkirkiina iyo talladiinaba oo aanu wakhti gelino, waxaananu jecelnahay inaad naga caawisaan dhismaha, xarunta darbi jiifka ee magaalada Burco oo ay innoo badbaadan carruurta kuwa qurbaha ka imanaya iyo kuwa dalka gudihiisa joogaaba oo aad nagala shaqeysaan horumarka gobolka iyo mashaariicda ka socotaba,”ayuu yidhi Xildhibaan Mubaarig Bidhi.

Guddoomiyaha gobolka Togdheer Maxamad Aadan, oo isaguna munaasibadaasi ka hadlay ayaa yidhi “Wadanka afar Madaxweyne ayaa soo maray, saddex ka mida ayaa gobolkan ka soo baxay, gobolka xaga horumarka gobollada kale uun buu kala mid yahay, oo waxaanu balan qaadaynaa in wixii Hargeysa laga helo Burcana laga helo dhinaca addeegyadda,”ayuu yidhi Badhasaabka Togdheer.

“Haddii aad qurbo-joogta tihiinna waa in aad nagala shaqeysaan gobolka horumarkiisa, waxaanu saaray calankii oo aan muddo shan iyo labaatan sanadooda aan la saarin goobtii calanka Somaliland laga taagay, waana sumad u gaara gobolka Togdheer sannad kastana waynu saaraynaa, waxaanaynu dhigeynaa goobtan kuna xardheynaa wixii taariikh u ah Somaliland si ay dadku u soo booqdaan,”ayuu yidhi Badhasaabka Tog-dheer, waxaanu ugu baaqay qurbo-jooga Togdheer inay dhismeyaasha ganacsiga iyo Guryaha ay ka dhisanayaan Caasimadda Hargeysa ka dhistaan Magaaladda Burco si ay uga qeyb qaataan magaaleynta gobolka.

Badhasaabku waxa uu sheegay inay sii wadayaan in sannad kasta mar ay qurbo-jooga gobolka marti-qaadkan oo kale u fidiyaan, waxaanu ammaan u soo jeediyay Xildhibaan Mubaarig Bidhi oo uu xusay inuu juhdi badan geliyay sidii uu u qabsoomi lahayd xafladaasi.

Sidoo kale waxa xafladaasi ka hadlay Maayarka Burco Maxamed Yuusuf Muraad, waxaanu sheegay in qurbo-jooga gobolka Togdheer uu ku bogaadinayo waxtarkooda isla markaana uu ugu baaqayo inay sii kordhiyaan ka qeyb galka mashaariicda horumarinta degmadda Burco iyo guud ahaan gobolka Togdheer.
Dhinacoodana waxa iyaguna xafladaasi ka hadlay xubno badan oo ka mid ah qurbo-jooga gobolka Togdheer, oo maamulka gobolka uga mahad-celiyay casuumadaas, waxaanay balan qaadeen inay kaalinta ugu weyn si joogto ah uga qaadan doonaan maalgashiga gobolka iyo mashaariicda lagu horumarinayaba.

Xafladan waxa maamulka gobolka Tog-dheer ay shahaado sharaf guddoon siiyeen Wasiirka hawlaha guud Cali Mareexaan oo ay sheegeen inuu ku mutaystay sida joogtadda ah ee uu ugu dhego nugul yahay inuu ka qeyb qaato horumarinta gobolkaasi. Sidaas si la mid ah waxa Maayarka Burco isna uu shahaado sharaf gudoon siiyay Xildhibaan Mubaarig Yuusuf Cilmi (Bidhi) oo uu ku tilmaamay inuu yahay xildhibaan u ban-baxay sidii degmadda Burco iyo gobolka Togdheer-ba ugu naaloon lahaa horumar balaadhan.

Ugu dambayn waxa xafladaasi lagu soo bandhigay masrixiyad iyo heeso waddaniya oo ay halkaasi ka dhigeen Fanaanka Maxamuud Hal-wad iyo Faarax Murtiile, iyadoo xafladaasi si toos ah looga baahinayay SLNTV.

Qurba-1.jpg2_.jpg3_-300x199 Xildhibaan-Bidhi.JPG2_-300x190 Qurba-1-300x199