Kulan Madaxwaynuhu La Yeelan Lahaa Qoor-weynta Beesha Saaxil Oo Fashilmay,Xaalada Berbera Iyo Baxara-saafka Iyo Shikrii Oo Maanta Ku Mudaysan

0
1109

Xukumadda Somaliland ayaa ciidamadii ugu badnaa ee magaalo rayid dagan yahay la geeyo ku daabushay magaalada berbera ee xarunta gobolka saaxil.

Ciidamadan oo u badan boolis iyo kuwa la dagaalkan argagixisada ee loo yaqaano RRU-da ayaa xaafad kaste oo berbera kamida la dhigay iyaga oo ilaa xalay dhan walba u gaaf wareegayay jidadka iyo xaafadaha magaaladaasi.

Ciidamadan ayaa ay xukumada Somaliland ugu talo gashay inay ka hor tagaan hadii dadwaynaha magaalada berbera ay sameeyaan kacdoono ay kaga soo horjeedaan diidmada xukumadda ee qabashada shirka Dan Iyo Duco 2 kaasi oo qorshuhu yahay in 1 bisha 8-aad oo maanta ah uu ka furmo deegaanka baxarasaafka oo kamida degmada dacarbudhuq.

Wararka uu wargeyska Himilo xalay ka helay magaalada berbera ayaa sheegaya in xukuumaddu ay ciidamo xooga gaysay deeganka baxara-saafka ee la doonayo inuu shirku ka furmo ee xukumaddu saska ka qaaday, waxaana la wariyay in ciidamadu la wareegeen guud ahaanba deegaanka.

Shirka Dan iyo Duco 2 ee la doonayo in lagu qabto deegaanka Ayaan la ogayn ajandahiisa rasmiga ah laakiin abaabulkiisa ayaa kusoo beegmay xilli dadka gobolka saaxil qaarkood diidan yihiin heshiiska dekeda berbera iyo xukun dil ah oo maxkamadda ciidamada qalabka sidda ku riday 8 eedysane oo loo haystay dilkii marxuun taliye Casayr.

Xukunkaasi oo mudaharaado lagaaga soo horjeedaa laba todobaad ka dhaceen magaalooyinka Burco, Berbera, Sheekh iyo hargeysa.

Ciidamada la geeyay magaalada berbera iyo deegaanka Baxara-saafka ayaa kusoo beegmaya xilli uu habeen hore fashilmay kulan haldoorka beesha saaxil ee shirka abaabulayaa la yeelan lahaayeen madaxwaynaha Somaliland kaasi oo la doonayay in xaalada lagu dajiyo isla markaana xal lagaga wada gaadho kala fogaanshaha xukumadda iyo beesha saaxil, Laakiin ilo wareedyo ayaa wargeyska himilo u sheegay in kulankaasi baaqday, shir goos goos ah oo shalay ilaa xalay ay si gaara u yeelanayeen odayaashu kuwaasi oo la wariyay inay isku hayaan inay madaxwaynaha hor dhigaan tabashadooda iyo in kale .

Doodaasi oo wakhti badan qaadatay inkaste oo la sheegay inay markii danbe isla garteen inay madaxwaynaha la kulmaan taasi oo lafteedu u baahan wakhti iyo balan danbe oo madaxwayanha looga soo qabto.