“Khadra Daahir,Waa Qof Caqli Iyo Garasho Ilaahay Ku Manaaystay. Xataa SNM Intay Tartay Inta Ogi Way Yartahay”Cali-Gurray

0
845

Siyaasigga Cali Yuusuf,(Cali-gurray),ayaa si kooban uga sheekeeyay shaqsiyadda fanaanadda caanka ah ee Khadra Daahir Cigge,waxaana uu sheegay inay tahay shaqsi Ilaahay nasiib-u-siiyay garasho iyo go’aan qaadasho ay dad badan dheer-tahay,waxaana uu intaas raaciyay ka mid ah dadkii wax-qabadka ugu badan ku lahaa Ururkii dhaq-dhaqaaqa SNM ee Somaliland xorreeyay,taas oo uu sheegay in aannay dad badanni Ogayn.

Siyaasi Cali-Gurray,ayaa sidaas ku sheegay qoraal koobban oo uu ku baahiyay bartiisa xidhiidhka Bulshadda ee Facebook-ga,waxaana uu u dhignaa sida tan: “Khadra Daahir waa qof caqli iyo garasho Ilaahay ku manaaystay.Berigii hore iyada oo kale waxa lagu amaani jiray DUMARNA WAY KA TAGTAY RAGNA WAY ISKU JIRAAN. Khadri rag badan ayay caqli iyo garsho dhaantaa aniguna iskama amaanayo ee Ilaa caruurnimadeedii ayaan aqaanay. Waa dawlad calan leh. Marka ay xaaladda adagi ugu adag tahay talada iyo go’aanka ay qaadan karto walaahi wuu yar yahay ragga inta qaadan kartaa. Ha u daymo la’aanina waana Mujaahid Khadra eh, Xataa SNM intay tartay inta ogi way yartahay”.Ayuu yidhi Muj.Cali-Guray.

Fanaanadda Khadra Daahir,ayaa ka mid ah Labbeenta Fanka Somalidda,waxaanay qaaday heeso badan oo Jacayl ah,kuwaas oo qeybaha Bulshadda ay si weyn u xiiseeyaan ilaa wakhtiggan la-joogana aan duugoobin.