“Beeluhu Way Shiri Karaan Oo Danahooda Ayay Ka Wada Hadli Karaan Xaqna Way U Leeyihiin Oo Dadku Yaanay Shirin Cidina Ma Odhan Karto, Xukuumaduna… ” Wasiir Sacad

0
866

Wasiir Sacad Cali Shire Oo Ka Hadlay Sida Uu U Arko Shirka Ay Xukuumaddu U Diidey Beeshiis

Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Dr Sacad Cali Shire oo ayaa ka hadlay shirka ay beeshiisu ku qabsanayno deegaanka Laasgeel oo ay xukuumadda Somaliland cadaadis ku saartay dadka deegaanka inaanu shirkaasi qabsoomin.

Sacad Cali Shire oo ay warbaahintu wax ka waydiisey waxay ku kala duwan yihiin shirka ay xukuumaddu ka qayb gashay ee ka dhacay degmada Qoryaale oo ay qabsanaysay beel ka mid ah beelaha bariga Burco iyo shirka haatan reer Saaxil loo diidan yahay ayaa sheegay inaanay xukuumaddu shir beeleed diidi karin, balse ay diidan tahay habka uu shirkaasi u socdo oo uu sheegay inuu dadka reer Somaliland fidmo ka abuuri karo haddii aanay xukuumaddu waajibkeeda ka gudan.

“Anigu shir beeleed oo dhan waxaan ka jeclaan lahaa shir xisbiyeed, beel waynu nahay oo dhaqankeena ayay ka mid tahay laakiin marba marxalad ayaa la joogay, marbaynu beel wax ku qaybsan jirnay waunu ka gudubnay oo axsaab ayaynu u gudubnay markaa bisaylkeena siyaasadeed wuxuu soo gaadhay xiligii aynu qabsan lahayn shir xisbiyeed xita haddii laga maarmi waayo dee shirar deegaan, deegaan walbana beelo badan ayaa kuwada nool oo ay dano badani ka dhexeeyaan, dawladuna marnaba may odhan yaanay beeluhu shirin, dadkuna dee danahooda ayay ka wada shiri karaan iyo sidii ay wax u qabsan lahaayeen xaq baanay u leeyihiin, wax la diidan yahayna maaha ayaan u malaynayaa in beeli shirto ama deegaan shir laakiin waa qaabka iyo habka loo marayo, habka loo marayaa hadduu yahay mid keenaya fidmo iyo kala fogaansho dabcan dawladda xilbaa ka saaran sidii ay xaqiijin lahayd amniga dalka”.

Wasiiro xukuumadda ka tirsan oo ay hogaaminayaan wasiirka Madaxtooyada iyo Hawlaha guud, sidoo kalena uu Guuddoomiyaha KULMIYE qayb ka ahaa ayaa shir beeleed kaga qayb galay deegaanka Qoryaale oo Burco 50Km u jira isla maalintaas Afhayeenka Madaxtooyada ayaa sheegay inaan Shirka beesha Saaxil ku baaqday la qaban karin baahina loo qabin.