Wasaarada Arimaha Gudaha Somaliland Oo Ka Hadashay Warar Warbaahinta Qaar Ka Qoreen Wasiir Waran-cadde

0
893

Wasaarada Arrimaha Gudaha Somaliland  ayaa waxba  kama jiraan  ku  tilmaamtay    warar   baro bogaando iyo  been  abuura  oo ay  warbaahinta  qaar   ka qoreen  wasiirka wasaarada arrimaha gudaha  Mudane  Cali Maxamed Waran-Cade.

Afhayeenka Wasaarada  Arrimaha Gudaha  Jamaal  Cabdi Muxumed  oo  warsaxaafadeed  uu soo  saaray  kaga   hadlay  Wararkaasi  ay  warbaahintu  faafisay ayaa  sheegay  inaan  haba yaraatee wax  ka jiraa  aanay  jirin isla markaana ay  yihiiin  wararkii  been  abuurka ahaa ee  warbaahinta qaarkeed caadaysteen

Waxaana  hadaladiisii  kamid  ahaa:-

“ waxaan   halkan  ku  beeninayaa  warar  ilaa  xalayba  warbaahinta qaarkeed  qorayeen  kuwaasoo ah   boro bogaando  iyo  been  abuur  aanay waxba  kajirin,   oo  sheegaya in wasiir  Cali Warancade   Hub   ka qaatay  xerada Ciidamada  Bada Somaliland.

Anoo Ku  Hadlaya Magacayga Iyo Afka Wasaarada  Waxaan Halkan Bulshada Uga Cadaynayaa  in Wasiirka  arrimaha gudaha Somaliland  Mudane Cali Maxamed Warancade  uu  Yahay masuul  qaran  jecelna  dalkiisa iyo  dadkiisa  oo  bilaa godoba ciidamada  kala duwan  ee  dalkana  waxaan  hubaa inuu  wax uu  taro  mooyee  aanuu hunguraynayn inuu  damac ka  gallo.

Sida  aan la wada socono  warbaahinteenu  waxa ay  wakhtiyadan    danbe  caadaysay  inay   dadka  fadeexadeeyaan  oo  sharaftooda iyo  sumcadoodaba  ay   meel  kaga  dhacaan  iyada oo aanuu  jirin   sharci  u  ogolaanaya   ama  xeer u  damaanad qaadaya  inay  masuul qaran  ama  muwaadin   sumcadiida meel  kaga   dhacaan.

Waxaan  halkan  uga  digayaa warbahin   badan  oo caadaysatay  wararka  been  abuurka iyo  borobogaandada ah   ee sida ka baxsan  xeerarka  warbaahinta  iyo  shuruucda  caalamida ah   u  adeegsada  mihnada  warbaahinta isla  markaana  aan wasaaradu kaga  hadhi  doonin  wararka been   abuurka iyo  magac  dilka ah  ee  ay   baahiyaan”.