Sanaag Wejigii 2-aad Ee Diwaangelinta Oo Dhamaaday Iyo Kii U Dambeeyay Ee La Bilaabay

0
1097

Komiishanka Doorashooyinka Somaliland, ayaa Sabtdii Shalay soo gabogabeeyay Wejigii labaad ee Diwaangelinta Cod-bixiyeyaasha ee ka socotay Gobolka Sanaag, waxayna bilaabeen Wejigii u dambeeyay Diwaangelinta oo soconaysa 14-ka Maalmood ee soo socda.

Shir-jaraa’id oo Maamuleyaasha Komiishanka ee Gobolka Sanaag iyo Degmada Ceerigaabo iyo Xubno ka mid ah Komiishanku Sabtidii Shalay ku qabteen Magaalada Ceerigaabo ayay ku shaaciyeen in la soo gabogabeeyay Wejigii labaad ee Diwaangelinta Sanaag, isla-markaana la bilaabay Wejigii u dambeeyay.

Guddoomiyaha Komiishanka ee Degmada Ceerigaabo Maxamed Cali Tiirshe oo ugu horeyn halkaa ka hadlay, ayaa yidhi, “Waxa la soo gabogabeeyay Wejigii u dambeeyay ee Diwaangelinta Degmada Ceerigaabo, waxa ku hadhay oo keliya Shan goobood. Saddex Kooxood oo Wareegaya Yubbe, Fiqi-fuliye iyo Yoobo, Magaalada Gudaheedana laba goobood baa ku hadhay. si wanaagsan bay noogu soo dhamaatay oo Nabadgalyo ah, Ummaddu way is-wada diwaangelisay, anigoo leh Dadka hadhay Wakhtigu wuu yar yahay ee ka faa’ideysta Wakhtiga hadhay oo is-diwaangeliya 14-ka Maalmood ee hadhay.” Guddoomiyaha Gobolka Sanaag Axmed Cali Biixi, ayaa isaguna sheegay, “Waxa soo dhamaaday 14 Maalmood oo diwaangelintu ka socotay Gobolka, waxaana bilaabmaya 14 Maalmood oo ay diwaangelintu ka sii soconayso Degmooyinka Gobolka Sanaag oo dhan, sida Ceerigaabo, Badhan, Gar-adag iyo Ceel-af-weyn, oo Kooxo ayaa ku hadhay Dadka Diwaangelinaya.”ayuu yidhi.

Afhayeenka Komiishanka Doorashooyinka Qaranka Siciid Cali Muuse oo gabogabadii halkaa ka hadlay, ayaa yidhi, “Dadka waxaanu ugu baaqaynaa inay soo baxaan oo ay is-diwaangeliyaan, inkasta oo Komiishanku ka xun yahay in aanay laba Degmo Diwaangelintu uga dhicin sidii la doonayey, haddana waxaanu ku faraxsannahay inay Gobolka intiisa kale si wanaagsan uga dhacday. Wejiga bilaabmay waa kii u dambeeyay, sidaa daraadeed Dadku aad ha uga faa’ideystaan.”