Hargeysa:-Dhacdo- Gabadh Soo Xaday 3 Caruura Oo Yar-Yar Oo Goordhawayd Lagu Dhex Qabtey Gudaha Magaalada Hargeysa

0
849

Waxa goor dhawayd ka dhacay gudaha magaalada hargeysa gaar ahaana suuqa dhexe dhacdo layaab leh taaso ahayd in shacabka magaalada hargeysa ay gacanta ku dhigeen gabadh soo xaday 3 caruura oo yar yar.

Waxaana gabadhani ay ahayd gabadh itoobiyaanad ah isla markaana wadatay xijaab iyo naqaab waxaanay caruurta ku wadatay gawaadhida raaxa ah ee loo yaqaano Crown-ka.

Waxaan caruurtan oo da’dooda ku sheegaylaguna qiyaasay 2 jir, 4 jir iyo 7 jir ay gabadhani kasoo kaxaystay xaafada jigjiga yare ee magaalada hargeysa iyaga oo caruurtani sheegay inay horfadhiyeen kaabadda gurigooda.

Gabadhan ayaa sida ay shabakada Ramaasnews u sheegeen goob joogaayaal goobta dhacdadani ka dhacday nooga soo horeeyey waxay sheegeen in caruurtani qayliyeen markii ay suuqa soo galeen isla markaana shacabka magaaladu ay ka shakiyeen, waxaana gaadhiga ay wadatay gabadhani is hor dhigay wiil dhalinyaro ah waxana gabadhani la waydiiyay waxa caruurtu la qaylinayaan ee ay aamunsiin wayday iyo waliba caruurtan magacyadooda iyo abtirsiimadooda.

Waxaana goob jogayaashani ay noo sheegeen in ay gabadhani garan wayday balse ay shacabku caruurtani waydiiyeen ibtirsiimadooda waxaany caruurtu ka dhawaajiyeen inaanay garanayn gabadhan balse ay gurigooda hortooda kasoo kaxaystay ayna ku tidhi dhar Ayaan idin soo iibinayaa balse gabadhan ayaa sheegatay inay caruurtan habaryar u tahay isla markaana hooyadod ka maqan tahay gurigana ay iyadu ku hayso.

Gabagabadiina caruurtii iyo gabadhi soo xadayba waxa shacabka magaalada hargeysa ee ka hawlaysanayay suuqa ay u kaxeeyeen dhankaa iyo saldhiga magaalada hargeysa.

Dhacdooyinka noocan oo kale ah ayaa mudooyinkii u danbeeyeyba kusoo badanayay gudaha dalka Somaliland gaar ahaana magaalada hargeysa .