“Marxallad Kala-Guur Ah Baa Lagu Jiraa Ee Wanaagga Hala Taageero, Dadkana Hala Dejiyo….”

0
774

Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiiray (Sheekh Aadan-Siiro), ayaa Khudbaddii Jimcaha ee Shalay kaga hadlay Kaalinta WADA-TASHIGU kaga jiro dhismaha Islaamka iyo sida Diinteennu u dhiirisay in Hoggaamiyeyaasha Muslimiintu la tashadaan Dadkooda.

Sheekh Aadan-Siiro, waxa kale oo uu ka hadlay Marxaladda kala-guurka ah ee Somaliland gashay, Maaddaama oo ay soo dhaweyn yihiin Doorashooyinka Madaxtooyada iyo Wakiillada, sidaa daraadeed loo baahan yahay in la Dadka la dejiyo, si wanaagsan looga wada-tashado Khilaafka ka taagan Heshiiska Dekedda Berbera iyo Tabashooyinka Beelaha Somaliland qaarkood qabaan.

“Qudbadda Jimcaha waxaynu kaga hadlaynaa Wada-tashiga. Sidaad ogtihiin waxa jira dhaqdhaqaaqyo badan oo ku waajahan Xaaladda kala-guurka ah ee Dalku galay, ha noqoto Heshiiska Dekedda Berbera oo dood badani ka jirto ama ha noqoto Tabashooyin badan oo Beelaha Somaliland wada deggan ah.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray, “Marxaladaha noocaas ah ee ku soo beegma Wakhti Doorasho jirto, marxaladaha noocaas ahi waxay u baahan yihiin Taxadar, Digtooni, Caqli badan iyo Wada-tashi ku dhisan Masaalixda Ummadda iyo Shareecadda, iyadoo laga fogaanayo Kooxeysiga, Danaha In Gaar ahi leedahay iyo Dadka qaarkood ay Sed bursadaan. Waxay tahay in la eego in waxa aynu ku wada fadhinaa tahay Salli yar oo Dad badan u dhinteen, in bandanna ku Agoomoobeen.”

Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud oo khudbaddiisa sii wada, ayaa Tusaale u soo qaatay sidii Hoggaamiyeyaashii wanaagsanaa ee Muslimiinta soo maray Dadkooda ugala tashan jireen Xaaladaha adag ee soo waajaha, “Xaaladaha noocaas ah Dadkii wanaagsanaa ee Muslimiinta Hoggaamin jiray iyo inta Caqliga, Cilmiga, Garashada iyo Damiirka lagu tuhmayaa waxay badin jireen Talada (La tashiga) oo iskumay ururin jirin Talada wakhtiyada noocaas ah, ee Cid kasta oo Caqli lagu tuhmayo iyo Cid kasta oo Arrimaha noocaas ah u ilo-bixin karta waxay ahayd Wakhtiyada loo baahan yahay ee la ururin jiray.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey isagoo sharraxaya Wada-tashiga, “WADA-TASHIGU waa Tiirarka ugu waaweyn ee uu leeyahay Nidaamka Xukunka ee Islaamku. Nidaamka Maanta Maraykan iyo Yurub u shaqeeyaan waa laba Miisaan (Tusaale ahaan), Caddaaladooda iyo Wada-tashigoodu xagga sare waa ka Malab, xagga hoose-na waaka Qadhaadh, laakiin Innaga Nidaamka uu Islaamku inna baray waa Nidaamka Wada-tashiga. Culimadu waxay yidhaahdeen, Wada-tashigu waa Qofka oo arrimo iska dhex galay u doonta Cid uu filayo inay ugu ilo-bixinayso, sida Arrin uu Qofku isku qabto Miyuu WANAAGSAN Yahay Mise wuu XUN YAHAY. Islaamku wuu la dagaalamay Qof yidhaahda Anigaa Dadka ugu aqoon badan. Waxaynu u daliishanaynaa, ILAAHAY wuxuu yidhi ‘Muumintu waa kuwa Alle aqbalay, ee Salaadda Oogaya, Arrinkooduna Wada-tashiga yahay.’ Rasuulkana (CSW) waxa lagu yidhi la tasho Musliniinta aad Hoggaaminayso, markaad Go’aanka qaadatana ILAAHAY Talo-saaro. Culimaduna waxay yidhaahdeen Markaad Talo qaadaneyso waa inaad Qof Caqligiisu dhamaystiran yahay oo Diin iyo Alle ka cabsi leh oo Arrinkaa aqoon u leh aad wax ka waydiisaa.

Shuruudaha kale ee Qofka lala tashanayo waxa ka mid ah, waa inaan Maslax isaga u gaar ahi ugu jirin (waxa Lagala tashanayo).”

Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey (Sheekh Aadan-Siiro) waxa kale oo uu khudbaddiisa ku soo qaaday saamaynta ay Hoggaamiyeyaasha ku leeyihiin Dadka ku xeeran ee talada ka qaataan, waxaanu yidhi isagoo soo daliishanaya Xadiis laga soo weriyey Rasuulkeenna Suubban (CSW), “Xadiis laga soo Weriyey Rasuulka (CSW) ayuu ku yidhi, ‘ILAAHAY Nebi muu soo saarin, Amiirna talo uma dhiibo. Haddii ILAAHAY Nebi soo saaro, ama uu Nin Muslim ah Amiir ka dhigo laba Saaxiib-hoosaad baa Ag Cararra ayuu Rasuulku yidhi.

Saaxiib-hoosaad, waa Saaxiib Wanaagga uun fara (kula taliya) Amiirka, waar waxaa lagu jabayaa oo Dadka iyo Dalka ayay dhibayaan ee ka joogso, waxaa lagu liibaanayaa oo Dadka iyo Dalka ayay anfacayaan ee Go’aan adag ka qaado oo ku dhiiro ayuu odhanayaa Saaxiibka Wanaagsan (Marka uu la talinayo Amiirka). Kooxna waxay Amiirka faraysaa (Kula talinayaan) Sharka, iyaga oo doonaya inay Amiirka Aakhiradiisa seejiyaan oo ay dalka baa’biiyaan, iyadoo ujeeddadoodu tahay halkee waxa laga dhan-dhaminayaa. Laakiin Rasuulku (CSW) wuxuu yidhi ‘ka ILAAHAY dhowray (Amiirka) waaka nabadgalay.”

Sheekh Aadan-Siiro, waxa uu ku taliyey in Wanaagga laga shaqeeyo isla-markaana Dadka la dejiyo inta lagu jiro Marxaladda kala-guurka ah ee Somaliland gashay, “Waxaanu leenahay Marxalad kala-guur baa lagu jiraa ee Wanaagga hala taageero, Nabadgalyada hala ilaaliyo, Dadka hala dejiyo, Dadka Caqliga iyo Cilmiga lagu tuhmayaana Dadka ha ururiyaan inta hawlahaasi inna dhaafayaan.”ayuu yidhi, oo uu hadalkiisa koobay.