“Xafiiska UCID Berri Waannu Joognaa Ee Bal Cidda Noogu Timaad Aan Eegno Kol Ay Ku Tahay Basaasiintii Cali Marreexaan”Cali Gurau

0
902

Warar isa soo taraya oo warbaahintu helayso ayaa tibaaxaya in Guddoomiyaha xisbiga UCID Mudane Faysal Cali Waraabe iyo qaar ka mid ah xubnaha garabkiisu aanay ku qanacsanayn go’aankii dhawaan Guddida Diiwaan gelinta Ururradu ka soo saareen khilaafka xisbiga UCID taasoo keentay in Guddoomiyaha UCID laga soo warinayo in uu ku hawlan yahay qabanqaabada shir uu qabsanayo.
Guddoomiye ku xigeenka 3aad ee xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Mujaahid Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray) oo arrinkaasi daba socda ayaa waxa uu shalay qoraal kooban oo uu ku baahiyey barta uu ku leeyahay mareegta xidhiidhka bulshada ee Facebook waxa uu ku sheegay in Faysal Cali Waraabe haddii uu ka dhabeeyo hadaladaasi laga soo sheegayo in uu noqon doono mid isaga ku kooban iyaguna dhinacooda ay shantii xubnood ee shirweynaha soo magacaabi doonaan sida ugu dhakhsaha badan xarunta xisbigana iska xaadirin doonaan ee bal cidda ugu imanaysaa ugu timaaddo.
Cali Maxamed Yuusuf oo arrintaasi ka hadlayay waxa uu qoraalkiisa ku yidhi: “Go’aankii Guddida Diiwaangelinta ee aanu rafcaanka ka qaadanin isla maanta ayuu buriyay oo uu ka hor yimid Faysal Cali Waraabe. Shirwayne gaar ah oon ahayn kii Heshiiskii hore loo wada galay ku jiray Guddiduna nagu dhexdhexaadisay ayuu sheegay in dhiniciisu gaar u qabsanayaan. Warkaasi oo hadda isoo gaadhay hadduu run yahay waxay u egtahay in annagu aanu kii lagu heshiiyay halkii ka sii wadi doono berrina Gudidii Qabanqaabada 5-tii xubnood soo magacaabi doono una qaybin doono dhammaan Hay’adaha ay khusayso iyo warbaahinta. Haddii ay run tahay in mid isagu uu iskii u magacawday oo aan Gole Dhexe ansixinin ku sheego ama sheegto Guddoomiye ku xigeen taa macnaheedu waa Faysal Cali Waraabe ma aha oo annaga nooma aha Guddoomiye ee waxaanu dhexdayada ka dooran doonaa Guddoomiye ku xigeen iyo intii aanu u baahno si aanu u gaadhono ujeedada. Xafiiska UCID-na berri laga bilaabo, haddii Alleh yidhaa, waanu joognaa ee bal ha soo baxo qofka anaga iska kaaya hortaagayaa basaasiinta Cali Mareexaan UCID u joogana ku dhehoo” ayuu yidhi Cali-Guray