Madaxweyne Siilaanyo Oo Markii Ugu Horeysay Isagoo Socdaal Horumarinta Dalka Ah Ku Mashquulsan, Mudaharaad Kala Kulmay Degaanada Gobolka Saaxil

0
729

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mud. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo Xukuumadda uu hoggaamiya ay dalka ka hirgalisay wax qabadkii ugu ballaadhna intii Somaliland xorriyadeeda la soo noqotay, kuwaas oo ay kamid yihiin dhismayaasha wadooyinka dhaadheer ee dalka laga hirgaliyay, daroojinya ciidamada, wax qabadka shaqaalaha ee dhinaca mushaharka, fidinta xuduudaha iyo qodobo kale oo dhammaantood halbawle ah.

Ayaa hadana shalay oo socdaal uu ugu baxay soo dhagax dhiga wadada Berbera & Hargaysa oo dayactir ka soo bilaabmi doono Magaalada Xamaas lagu samaynaayo, wuxuu banaanbaxyo goos goos ah uu kala kulmay jiida laamiga ah ee u dhaxaysa Xamaas ilaa Degmada Dacarbudhuq.

Falkan oo noqonaaya markii ugu horeysay ee Madaxweyne Siilaanyo oo ku hawlan waxqabad halbawle u ah dalka socdaalkiisa ku jira uu debad baxyo kala kulmo degaanada dhismaha wadadaasi maridoonto.
Arrintan oo dadka badankiisu u fasirayaan in aanay dareen ahaan bulshada degaankaasi Madaxweynaha ula jeedin maadaama oo ay si weyn u soo dhawayn jireen socdaaladiisi hore, hadana waxa loo aanaynayaa inay dhalisay qodobo saluug ah oo ay dadka degaankaas xoqonaaya, waxayna dadka falanqaynaayay socdaalkii shalay Madaxweynuhu ku maray degaanadaasi ay sheegayaan inay haboonayn in marka hore tabashada bulshada magalooyinka laamiga Saaxil ku dhaqan gocanayaan haddii ay jiraan la dhagaysto ka hor intaanu Madaxweynuhu safarka ku marin.