Garabka Musharrax Jamaal Cali Xuseen Oo Shaaciyey Xubnaha Ku Matalaya Guddiga Qabanqaabada Shirweynaha Xisbiga UCID.

0
792

Gudoomiye Ku Xigeenka 3aad ee Xisbiga Ucid Mudane Cali Maxamed Yuusuf ‘’Cali Guray’’ oo ka mid ah Garabkii Murashax Jamaal Cali Xuseen ayaa Isagoo ka duulaya Go’aankii Garnaqa ee Khilaafka Xisbiga Ucid ay ka soo Saareen Gudida Diiwaangelinta Ururada Siyaasada iyo Ansixinta Xisbiyada Qaranka ee Waajibinayay in Mudo 45 Cisho Gudahood lagu qabto Shirweynihii Xisbiga UCID iyadoo labada Garab si is le’eg loogu qaybiyey Xubnaha Gudida Qabanqaabada iyo Ergada Shirweynaha ayaa Wuxuu Soo Saaray Shanta Xubnood ee Garabkooda u metelaya Gudida qabanqaabada Shirweynaha Xisbiga Ucid,Isagoo Ogaysiin Siiyay Gudoomiyaha Xisbiga Ucid,Murashaxa Jagada Madaxweyne iyo Gudida Diiwaangelinta Ururada Siyaasada.

Qoraalka Cali Guray ayaa u dhignaa Sidan :-

Ujeedo: Magacabista Xubnaha Gudida Qabanqaabada Shirwaynaha

Markaan arkay Heshiiskii Midnimada Xisbiga UCID ee ku taariikhaysan 12/07/2012

Markaan arkay Go’aamadii Kalfadhigii 5aad ee Golaha Dhexe ee Xisbiga UCID ee ku taariikhsan 28/10/2012

Markaan arkay Go’aankii Gudida Diiwaangelinta Ururada Siyaasadda Iyo Kala Saaridda Xisbiyada Qaranka

Markaan arkay xaaladda cakiran ee khilaafka gudaha Xisbiga iyo baahida Xisbigu u qabo in sida ugu dhakhsaha badan uu Shirwaynaha aan caadiga ahayn ee Xisbigu u qabsoomo si gebi ahaanba loo soo af jaro khilaafka xisbiga

Waxan halka kuugu soo gudbinayaa liiska magacyada 5tii xubnood ee Gudida Qabanqaabada Shirwaynaha dhinaca Musharaxa Jagada Madaxwaynaha JAMAAL CALI XUSEEN

Aaden Suld. Cabdiraxmaan Suldaan Diirye

Xuseen Caynaan Faarax

Xuseen Xasan Badmaax

Aadan Cali Yoonis

Cali Maxamed Xasan

Hadaba waxanu u aragnaa in wakhtigu cidhiidhi inagu yahay oon loo baahnayn in aynu lumino maalin keliya si Shirwaynuhu ugu qabsoomi karo 45 maalmood gudahood, sida ku cad go’aanka Gudida Diiwaangelinta. Waxan soo jeedinayaa in 10ka xubnood ee Gudida Qabanqaabadu ay fadhigooda ugu horeeya yeeshaan maalinta Sabtida 30/07/16

Wa Bilaahi Tawfiiq.

Cali Maxamed Yussuf

G/xigeenka 3aad