Beesha Samatar Cabdalle (Rer Samatar) Oo Suldaan Cusub Ku Caleemo Saartay Magaalada Xarshin

0
1709

Beesha Samatar Cabdalle (Rer Samatar) oo kamid ah beelaha Sacad Muuse, gaar ahaan jilibka Siciid Ismaciil ayaa Suldaan Cusub ku caleemo saartay Magaalada Xarshin.

Suldaankan cusub ee beesha rer Samatar ku caano shubtay oo lagu magaacabo Suldaan Deeq Ismaciil Muuse, waxa siweyn looga hadal hayaa Magaalada Hargaysa.

Hadal haynta Suldaan cusub ayaa loo aanaynayaa beesha caleemo saartay oo uu ka soo jeedo Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE ahna Murashaxa Xisbigaas Mud. Muuse Biixi Cabdi, sidoo kale beesha Suldaankan cusub caleemo saartay ee rer Samatar ayaa dhaqan ahaan ku tiirsanayd Saldanada Guud ee Subeer Awal, taas oo ah Saldanadaha ugu facaweyn geyiga Somaliland.