“Gobolka Sanaag Dad Baa Faani Jiray Ee Diwaangelinta Yeynaan Ku Dhicin, Oo Yaan La Waayin Laandheerayaashii..”

0
759

Madax-dhaqameedka Sanaag Oo Uu Casuumad U Sameeyay Boqor Buur-Madow

Madax-dhaqameedka Gobolka Sanaag, ayaa iyaga oo mideysan Dadweynaha Gobolkaasi ugu baaqay inay Diwaangelinta si dhamaystiran uga qayb-qaataan oo ay muujiyaan Cududdada Dadkooda.

Madax-dhaqameedka Sanaag oo uu Hadhimo-sharafeed u sameeyay Boqor Cismaan Aw Muxumed Maxamed (Buur-Madow) oo Guri fadhiisan u noqonaya ka dhistay Degmada Dararweyne, ayaa sidoo kale Dadweynaha Reer Somaliland ugu baaqay inay Nabadgalyadooda ilaashadaan, maaddaama oo Nabadgalyadu tahay waxa lagu nool yahay ee horumarka lagu gaadhayo.

“Gobolka Sanaag markaynu joogno Dadku way kala badnaayeen oo Dad Faani jiray oo Laandheerayaal ah baa jiray ee yeynaan ku dhicin diwaangelinta, oo aan la waayin Laandheerayaashii” ayuu yidhi, mid ka mid ah Salaadiinta Gobolka Sanaag oo hadal ka soo jeediyey Gabogabadii Hadhimo-sharrafeeddaasi.

Boqor Buur-Madow oo Casuumadda u sameeyay Madax-dhaqameedka, ayaa isaguna halkaa ka jeediyay hadal kooban, ayaa sheegay in Madax-dhaqameedku dhammaantood Xukuumadda ku hambalyeeyeen Dedaallada Nabadeed ee ay ka dhex waddo Beelaha Walaalaha ee Deegaannada Awr-boogeys, Dhumay iyo Dharkeyn-geeyo, “Waxay Dhammaan Madax-dhaqameedku isla qaateen inay Hambalyeeyaan Nabadeynnihii Xukuumaddu ka gashay Deegaannada Dharkeyn-geeye ee Beelaha Beelaha Baharar-same iyo Qayaad, deegaanka Dhumay iyo Nabadeyntii Weftigii uu watay Wasiirka Madaxtooyadu ka galeen Awr-boogeys.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray, “Waxaanu Somaliland u soo jeedinaynaa baaq guud  oo ah inay Somaliland nabadgalyada ilaashato, Waayo? Cid walba waa u dan, waxaynu ku fadhinno ee la innagu qiimeeyaa waa Nabadgalyada.”