Faysal C. Waraabe Oo Sheegay In Md. Cigaal Uu Nabad Ka Dhex Dhaliyey Kenya Iyo NDF, Soona Dhaweeyey Xidhiidhka Cusub

0
740

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ee UCID Eng: Faysal Cali Waraabe ayaa ka waramay xidhiidhka Somaliland iyo Kenya, waxaanu sheegay in xidhiidh qoto dheer oo soo jireen ahi uu labada dal ka dhexeeyey, waxa uu xusay in ALLE ha u naxariistii Madaxweynihii hore ee Somaliland ee Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal uu sabab u ahaa inuu nabad ka dhex dhaliyo Kenya iyo NFD.

 

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ee UCID Eng: Faysal Cali Waraabe oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale jawaab ka bixiyey hadalkii ka soo yeedhay Somaliya, waxaanu sheegay in aanay Somaliya awood u lahayn inay wax yeesho xidhiidhka Somaliland iyo Kenya, isaga oo arimahan ka hadlayana wuxuu yidhi, “Somaliland iyo Kenya xidhiidh bay lahaan jireen, isku lacag bay ahaayeen, waxayna ahaayeen laba Wadan oo  Ingiriiska  gacanta ku  hayey, Dagaalkii kowaad iyo Dagaalkii labaad ee Adduunka dad badan oo reer Somaliland ah ayaa la dajiyey Kenya, xidhiidh qoto dheer ayaa ka dhexeeyey Somaliland iyo Kenya, haddana waan soo dhaweeynayaa in xidhiidhkii soo xoogaysto, Nabadgalyada ay maanta Kenya haysto waxa uu ka soo baxay ALLE ha u naxariiste Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, oo wuxuu nabad ka dhex sameeyey Kenya iyo NFD, haddii aanu nahay Somaliland in xidhiidhkaasi soo cusboonado waanu soo dhaweynaynaa”.

Eng: Faysal Cali Waraabe mar uu ka hadlaayey hadalkii ka soo yeedhay Somaliya ayaa yidhi “Somaliya awood ay isku hortaagto Somaliland ma leh, oo awood ay isku hortaago xidhiidhka Somaliland iyo Kenya ma leh,  Somaliya waxa maanta ka xoog weyn Kenya, oo awood ay isku hortaagto ama ay kaga hor timaado Kenya ma leh, maxa yeelay  lix kun oo askari oo Kenyaan ah ayaa Somaliya ku sugan,marka Inanka yar ee iska hadlay, waa Inan yar oo ku barbaaray Kacaankii Siyaad Barre, oo aan garaynin qiimaha Somaliland iyo taariikhda ay leedahay”

Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa mar uu ka hadlaayey  Magaalada Nairobi iyo qaabkii loo aasaasay ayaa yidhi “Ninkii Ingiriiska ahaa ee Nairbo aasaasay Somaliland baa laga kaxeeyey oo ilaa Kenya ayaa la geeyey, dadkii geeyey ee kaxeeyeyna waxa ka mid ahaa Rag reer Somaliland ah, oo uu ku jiray Adeerkay Xuseen Xasan, markaas xidhiidh soo jireen ah oo aad u qoto dheer baa inaga dhexeeya Kenya”