Dahabshiil Bank Oo $4000 Ugu Deeqay Dugsiga Ardayda Arraga ka Naafadda Ah

0
909

Bangiga Dahabshil ee caalamiga ah ayaa u fidiyay deeq dhan afar kun oo doolar ($4000) xarunta dugsiga ardayda arraga ka naafadda ah ee Somaliland Braille Centre (SBC).

Maamulaha baanka Dahabshiil Mr. Maxamed Siciid Cawaalle, oo ka hadlayay Isniintii xafladdii lagu wareejinayay deeqdaasi ayaa yidhi, “Haddii aanu nahay baanka caalamiga ah ee Dahabshil waxa aan aqoonsanay muhimadda ay leedahay taageerada bulshada aanu u shaqeynayno oo la caawiyaa dhinacayaga waa wax aad uga weyn.”
“Waxa kale oo aanu iyagana dhawaan deeq lacageed oo dhan 10 Kun oo Doolar ugu caawinay xarunta dugsiga agoomaha ee magaaladda Hargeysa,”ayuu yidhi maamulaha Baanka Dahabshiil.

Maamulaha dugsiga Somaliland Braille centre (SBC) Mr. Rashiid Sulub Caalin oo deeqdaasi uga mahadcelinaya baanka Dahabshiil kaalmadda uu soo gaadh siiyay oo uu ku sifeeyay inuu wax weyn u daboolayo. “Waxa aanu ku tiirsanay deeqaha noocan oo kale ah oo aanu ku wadnaa iskuulka, waxaanan si aad ah uga mahadnaqeynaa tallaabadan baanka Dahabshiil qaaday oo si karaamo leh lacagtan oo aanu baahi weyn u qabnay noogu wareejiyay.”ayuu yidhi Maamule Rashiid Sulub. “Dad la taageero iyo kuwo wax loo qabto waxa ugu wanaagsan kuwan dugsigan wax ka barta ayaa ugu khayr badan ee arraga ka naafadda ah.”

Waxa uu intaa ku daray in dugsiga (SBC) uu bixiyo waxbarasho bilaash ah oo aan la’aantii u suurto-gasheen carruurta qabta baahiyaha gaarka ah. Waxa uu sheegay in ay basas ka soo qaadaan subixii guryahooda oo keenaan iskuulka, ka dibna ku celiyaan maalin kasta.

Xarunta Braille Centre (SBC) ayaa ujeedadeedu waxa ay tahay in ay kor u qaado heerka waxbarasho ee ay heli karaan dadka aragga wax ka qaba ee ku nool Somaliland iyada oo loo marayo waxbarasho qaabeysan iyo xirfado loogu doodayo xuquuqda dadka aragga la’a.

Sida oo kale SBC waxa ujeedadeeda ka mid ah sidii loo dhisi lahaa waxbarasho loo dhan yahay.Mashruucan ilaa hadda waxa si toos ah uga faa’ideystay 68 ardey oo aragga wax ka qaba iyada oo ay si aan toos aheyna uga faa’ideen 485 kale oo ah xubnaha ay ku tiirsan yihiin iyo qoysaskooda.