Cali Khaliif Oo Ku Fara Xashay Maamulka Muqdisho Oo Diidday Inay Taageerto Kooxdiisa Khaatumo

0
846

Hoogaamiyeyaha Kooxda La baxday Khaatumo ee Fadhigeedu yahay Magaalada Buuhoodle ee Gobolka Buuhoodle ee Somaliland Prof, Cali Khaliif Galaydh, ayaa sheegay Dawladda Federaalka Soomaaliya aanay doonayn inay taageerto waxa uu ugu yeedhay dhismaha Khaatumo State, isla-markaana aanay wax abaal-gud ah kaga helin Aragtidiisa la xidhiidha Midnimo-Soomaaliyeed oo mar kale la helo.

Galaydh oo Shalay ka hadlayey Munaasibad lagu qabtay Magaalada Buuhoodle, ayaa sheegay in dhibaatada ugu weyn ee Kooxdiisa haysataa tahay dhaqdhaqaaqyada Ciidan ee Somaliland ka waddo deegaannada Kooxdiisu doonayso inay isku fidiso, “Dhibaatada ugu weyn ee hadda na haysataa waa (Somaliland iyo Puntland).” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray, “Qolyaha nagu soo qaaday Dagaalka siyaasadeed iyo Xabadda ay Dhafoorka nagaga hayaan marti uga noqon mayno (Deegaannayada)..”

Prof Galaydh, wuxuu sheegay in Dawladda Federaalka Soomaaliya aanay ogolayn qorshaha Kooxdiisa, “Magaalada Xamar iyo Dawladdii dhexe ee Soomaaliya waxaanu u hurnay wax kasta oo annaga Qiimo noogu fadhiyey, waxaas oo ah Midnimo Soomaaliyeed, Shacabka Soomaaliyeed ee  Dhulkaa (Xamar) ku nool way nagu taageereen, laakiin Madaxda Soomaaliyeed ee Xamar joogta wax Abaal ah oo ay noo galeen ma jirto, xitaa inay yidhaahdaan Dadkani waxay xaq u leeyihiin wax la mid ah waxay ku doodayaan qolyaha (Somaliland).” Ayuu yidhi