War Deg Deg Ah:-Madaxwayne Siilaanyo Iyo wafti Uu Hogaaminayo Oo Goor Dhawayd Safar Ugu Baxay Magaalada Berbera

0
776

Mudaharaado Xoogan Oo ka Sucday Xalay ila maanata magaalada berbera iyo safarka madaxweyne  Iyo waftiga u hogaaminyaow madaxweyne siilaanyo oo aan wali wax war oo dheerad ah laga haliin ayaa maanta laisku daba shubtay magaalada berbera.,,

Wararka hada nasoo gaadhaya soona gaadhaya xafiiska warqabadka shabakada Ramaasnews ayaa sheegaya in saaka madaxwayanaha Somaliland mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iy wafti uu hogaaminayo oo kamida golahiisa wasiiradu ay safar ugu baxeen magaalada berbera ee xarunta gobolka saaxil.

Waxaana saaka xilli hore mar  kaliya ay shacabka caasimadu ku waabariisteen ciidamo tiro badan oo lasoo dhoobay wadooyinka kuwaasi oo adkanayay amaanka, waxaana waftigani ay goor dhawayd ka amba baxaan magaalada hargeysa iyaga oo usii jeeda magaalada berbera.

Ilaa hada ma jiro warar rasmi ah oo kasoo baxaya sababta uu madaxwayne Silaanyo iyo waftigani ay ugu baxeen magaalada berbera, wallow ay warar hoosena sheegayaan in ay sii dhafayaan una socdaan gobolada bariga Somaliland.