Mudaharaad Xalay Ka Istaadhmay Gudaha Magaalada Berbera, Qiiqa Gubista Taayaradda Oo Cirka Isku Shareeray Iyo Safarka Madaxweyne Siilaanyo

0
772

Dadweyne gadoodsan ayaa Xalay Fiidkii magaaladda Berbera gudaheedda ka bilaabay Mudaharaad lagaga soo horjeeddo Xukunkii Dilka ahaa Maxkamadda Ciidamaddu ku Xukuntay 8 Maxbuus oo ku eedeysnaa Dilkii Alla Ha u naxariistee Taliyihio hore ee qaybta gobolka Saaxil Cabdirosaaq Maxamuud Caseyr. Kaasoo dablay hubeysani ku dishay Buuraleyda gobolkaa.

Mudaharaadka Xalay Fiidkii ka bilaabmay Magaalada Berbera ee caasimadda Gobolka Saaxil ayaa qayb ka ah, mudaharaaddo ilaa Shalay ka socday magaalooyinka Sheekh, Galoolay, qoyta iyo sidoo kale Dawga sheekh oo lagu daadiyey Dhagxaan.

Geesta kale, Ciidamada Booliska ayaa taxader badan ka muujiyey la tacaalida dadweynaha gadoodka kuwaasoo iyaggoo aan dhib loo geysan ugu waaninaya inay joojiyan Mudaharaadkaa, waxase ay ku qaadatay waqti aad u badan.

Si kastaba ha ahaatee, ilaayo shalay magaaladda berberi ka ladnayd mudaharaadad degmooyinkeedda ka socday, waxana Wararku sheegayaan inuu magaalada ku sugan yahay Agaasimaha wasaaradda Diinta iyo awqaafta Saleeban Siciid Cali, kaasoo la sheegay inuu ka dhex maleegaayo shir qoolo siyaasadeed, kaddib markii dagaal siyaasadeed ka dhex qarxay Wasiirka Madaxtooyada Maxamuud Xaashi iyo Maareeyaha Dekedda Berbera Cali Xoor-xoor, waxana sida la sheegay wasiir Maxamuud Xaashi shalay ku amray Agaasime saleebaan inuu dhinaca caasimadda yimaadda farahana ka qaado arrimaha gobolka, isaggoo uga shakiyey kicin dadweyne.