Ismaaciil Buuba Oo Ka Hadlay In Inqilaabka Fashilmay Ee Turkigu Saamayn Ku Yeelan Karo Wada Hadalada Dalalka Somaliland Iyo Somaliya Iyo Arinta Nile Academy

0
877

Siyaasi Ismaaciil Maxamuud Hurre Buubaa oo kamida siyaasiyiinta dalka ayaa ka hadlay aragtidiisa ku waajahan saameynta uu ku yeelan karo inqilaabkii fashilmey ee dalka turkigu wada hadaladii dalalka Somaliland iyo somaliya.

Siyaasii Ismaaciil Buubaa oo waraysi gaara siiyay wargeyska Geeska Africa ayaa waxa uu sidoo kale ka hadlay inqilaabkaas turkiga ee fashilmay iyo waxyaalaha laga baran karo, waxaanu yidhi isagoo ugu horeyn ka hadlaya inqilaabkii fashilmay.

“Inqilaaka ama afgambiga dhicisoobay ee dalka turkiga dhiig baa ku daatay, dadbaa ka dhintay, dad badan baa ku dhaawacmay, balse waa tusaale muujinaya inay dalkaas shacabkiisu aad iskugu xidhan yahay waa mid muujinaya inay dimuqraadiyadiisu si toos uga hirgashay maxaa yeelay marar badan oo hore ayaa ciidamada dalkaasi isku dayeen inay inqilabaan xukuumadihii soo maray dhamaantoodna way ku guuleysteen balse inqilaabkani wuu fashilmay, waxayna shacabka dalkaasi muujiyeen in aanay marnaba raali ka ahayn in xukumadii ay soo doorteen in la rido laguna rido inqilaab, dalkana uu ciidan xukun malateri xoog ku xukumo, waxaana aynu odhan karnaa shacabka dalka turkigu iyagoo bilaa hub ah ayay hadana awoodooda iyo kartidooda muujiyeen, aadna way u adag tahay in inqilaab danbe laysku dayo”

Siyaasi Ismaaciil Buubaa mar aanu wax ka waydiinay inqilaabka turkiga ee fashilmay iyo saamaynta uu ku yeelan karo wada hadaladiii Somaliland iyo somaliya ayaa waxa uu ku jawaabay

“Waa dhab oo turkigu waxa uu gogol u fidiyay Somaliland iyo somaliya balse hadda mashquulbuu ku jiraa oo waxyaalo badan ayuu ku mashquulay oo waxa uu ku mashquulsan yahay xalinta arimahiisa madaama uu khatar galay laakiin marka uu xaliyo arimahaas wada hadaladiii somaliland iyo somaliya halkoodii ayay kasii socon doonaan, waxaana qabaa I arintani aanay saaameyn balaadhan ku yeelanayn arinta wada hadalada Somaliland iyo somaliya “.

Siyaasi Ismaaciil Buubaa ayaa mar aanu wax ka waydiinay sida uu u arko go’aanki ay dawlada somaliya dalkeeda kaga saartay hay’adda Nile Academy oo uu leeyahay wadaadka lala xidhiidhinayo inqilaabkan aragtida xukumadda Somaliland iyo turkiga ayuu yidhi.

“Nile Academy waxa leh wadaadka lala xidhiidhinayo inqilaabka fashilmay ee turkiga , dawlada somaliya dalkeedii way ka saartay Somaliland-na wali kamay saarin horena xukumadu way uga hadashay, waxaan dhab ah in arday badan oo kumanaan ahi dhigato, turkigu waxa uu doonaya in somaliland uu ka dhaadhiciyo inay dalkeeda ka saarto Nile Academy laakiin hadba go’aanka ay xukumadda Somaliland ka qaadato ayay ku xidhan tahay.