War Deg Deg Ah”Mudaharaadkii Ka Socday Degmada Sheekh Oo Kusii Fiday Deegaamada Galoolay,Karaksharka Iyo Qoyta Iyo Jidka Isku Xidha Sheekh Iyo Burco Oo Gabi Ahaaba Go,an

0
884

Mudaharaadkii Lagaga soo horjeeday Xukunkii shalay Maxkamada Ciidamadu Ku riday ragii ku eedeysnaa dilka Alle Ha Unaxariiste Marxuum Taliye Cabdirisaaq Maxamuud Yuusuf(Caseyr) ayaa ku fiday deegaamada Bariga kaga beegan degmada sheekh kuwaas oo wararka hada naga soo gaadhayaa sheegayaan in gabi ahaanba jidadka dhex mara degmooyinka Galoolay.Karaksharka Iyo qoyta dhagxaan lagu kala xidhay oo aanay jirin wax gaadiida oo jidadkaas marayaa sida idiinka muuqata sawirada oo ay noo soo direen Goob joogayaal ku sugan deegaamadaasi. waxaanu arintu umuuqataa in mudaharaadadan ka dhashay Xukunka lagu riday eedeysanayaashaasi in ay sababi doonaan isku dhac Ciidmada amaanka iyo bulshooyinka ku dhaqan deegaamadaas oo gadsoodsan.

gal2 13775336_1065644426822508_6198856707850468515_n