Raysal Wasaaraha Itoobiya Oo Ka Hadlay Isticmaalka Dalkiisa Ee Dekedda Berbera.

0
913

Raysal Wasaaraha dalka Itoobiya Hailemariam Desalegn, ayaa ka hadlay isticmaalka dalkiisa ee Dekedda Magaalada Berbera ee Somaliland, isaga oo sheegay in baahida ay u qabaan waxyaabaha ay la soo degayaan iyo kuwa ay dhoofinayaan in aanay dabooleyn Dekeddaha Jabuuti.

Raysal Wasaaraha dalka Itoobiya oo ka hadlayey munaasibad sanadlaha ah ee wax soo saarka Wershadaha dalkiisa, ayaa markii u horeysay cadeeyey in aanu dalkiisu kooto ugu xidhnaan doonin isticimaalka Dekedda Jabuuti oo hore ay ugu tiirsanaayeen, waxaanu hoosta ka xariiqay in ay diyaar iyo xor u yahay u wareegida dekedda Somaliland oo Casriyeynteeda dhawaan la bilaabayo.

Sida uu baahiyey Telefishanka Qaranka Koonfur Afrika ee SABC-TV, waxa uu xusay Raysal Wasaare Hailemariam Desalegn in kobaca dhaqaale ee dalkiisu sababay in ay Dekeddo kale u wareegaan, waxaanu yidhi “In kasta oo Itoobiya ay si weyn ugu tiirsaneyd dhinaca Dekedda dalka Jabuuti, naga ma joojin doono in aanu raadsano Dekeddo kale oo aanu ku bedeleno sida Dekeddaha Somaliland iyo Kenya.”

Dawladda Itoobiya, ayaa hore u sheegtay in ay 30% waxyaabaha ay la soo degto ay u soo wareejisay Dekedda Magaalada Berbera, iyada oo si weyna u soo dhaweysay casriyeynta lagu samaynayo Dekedda Berbera.