“Markay Wada Hadleen Kadib Way Na Sii Daayeen, Laakiin Waxay Nagu Yidhaahdeen Hadda Ka Baxa Magaaladda Burco”

0
797

Nin Suldaan ah iyo Gudoomiye beelleed oo ka mid ahaa guddi loo saaray qabanqaabada shir beelleed la qorsheeyay inuu ka qabsoomo deegaanka Baxarasaafka oo ka tirsan degmadda Laasgeel ee gobolka Maroodijeex oo ay shalay maqribkii Boolisku ka taxaabeen magaaladda Burco oo ay hawl la xidhiidha shirkaa u tageen,  ayaa la sii daayay ka hor intaan la gayn saldhiga oo aan la xidhin.

Suldaan Cali Saleebaan Maxamed iyo Gudoomiye Cismaan Aw Ismaaciil Xaaji Xirsi oo ka mid ah guddi qabanqaabinaysa shir mid ka mid ah beelaha gobolka Saaxil ay qorshaysay inay ku yeelato deegaanka Baxarasaafka, ayaa magaaladda Burco u tegay arrimo la xidhiidha qabanqaabadda shirkaa, isla markaana waxay shalay halkaa ku qabteen shir ay ka qaybgaleen dadka deegaankaa ee ka soo jeedda beesha Ciise Muuse ee ku balansan shirka Baxarasaafku, dhamaadkii shirkaa kadibna waxay goobtii yimi ciidanka booliska oo halkaa ka kaxeeyay labadaa nin. Suldaan Cali Saleebaan Maxamed oo khadka telefoonka ugu waramay wargeyska Ogaal ayaa sheegay, in ciidanku u yimi maqribkii shalay waqti ay doonayeen inay ka soo baxaan magaaladdaa, isla markaana wuxuu xusay inay kaxeeyeen oo ay u sheegeen inay amar ku qabaan inay xidhaan. Suldaanku wuxuu intaa raaciyay oo uu yidhi; “Waxay nagu yidhaahdeen amar sare ayaa nalagu siiyay in aanu idin xidhno, ma hubo meel uu ka yimi laakiin sidaasay nagu yidhaahdeen. Anaguna waanu raacnay, balse iyadoo aannaan gaadhin saldhigii ayay la hadleen ciddii ka saraysay, waayo taliye saldhig ayaa markaa na waday, dabadeedna markay wada hadleen way na sii daayeen, laakiin waxay nagu yidhaahdeen, hadda laga bilaabo waa inaad ka baxdaan magaaladda, waxay nagu amreen in aanu ka baxno magaaladda Burco, anaguna awalba amba bax baanu ahayn oo hadda waanu ka soo baxnay Burco oo jidkaanu ku jiraa.” Suldaanku wuxuu intaa ku daray in talaabaddaa iyo sida loola dhaqmay ay u arkaan cagajuglayn iyo tahdiid.

Suldaanku wuxuu sheegay inay Burco u tageen hawlaha shirka Baxarasaafka, isla markaana ay halkaa  ku qabteen shir balaadhan oo ay la yeesheen dadka beeshooda ee gobolka Togdheer, kaasuu uu xusay in layskula qaatay qorshihii ay ula tageen. Waxa kale oo uu xusay in markii ay shirkaa dhamaysteen oo ay soo baxayeen ay u yimaadeen ciidanku, markii dambena ay jidka ka sii daayeen iyagoon xidhin, balse wuxuu xusay inay ku amreen inay ka baxaan magaaladda, oo ay ku eeddeeyeen inay ka wadeen waxyaabo aan la ogolayn, taasoo uu Suldaanku ku sifeeyay mid khaldan oo cabudhin ah.

Dhanka kale hadalhaynta shirka Baxarasaafka iyo  hirgelinta heshiiska xukuumaddu ku wareejinayso dekedda Berbera ayaa u muuqda qaar isa saamaynaya oo baajintiisa hawlgalo ku wajahani isa soo tarayaan siday rumaysan yihiin dadka saluugsan heshiiska DP World.