“KULMIYE Maanta Waa Xisbiga Taladii Haya Ee Haddana Leh Doorashada Madaxtooyada Aan Qabanno Ee Mucaaradkiina Dabada Giijinayo”

0
727

Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE ahna Musharraxa jagada Madaxweynaha ee Xisbigaas Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay in Xisbiga uu ka sharraxan yahay ee KULMIYE yahay mid ku suntamay Astaamo aanay ku suntamin Xisbiyadii Soomaalida iyo Afrika-ba soo maray tan iyo 1960-kii.

Muuse Biixi waxa uu sidaa ku sheegay hadal uu ka jeediyey Xaflad loo sameeyey Qurbo joogta dalka ku sugan ee xisbigaa oo ka dhacday Hargeysa, isla markaana ay kala qaybgaleen Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee KULMIYE, Masuuliyiinta kale ee Xisbiga iyo weliba Xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada Xukuumadda Somaliland, kuwaasoo dhammaantood halkaas ka jeediyey hadallo soo-dhawayn iyo guubaabo ah oo ay u jeediyeen Qurbo-joogta la maamuusay.

“Dadka Sharafta leh iyo milgaha ee qurbo-joogga u badan ee halkan isugu yimi, yuhuunta, Kulmiyennimada iyo xamaasadda idinka muuqata aad baan idiinkaga mahad-naqayaa. Waxaannu idiinka mahad-naqaynaa haddaad qurbo-joogga tihiin, kaalinta aad dalkiinna kaga jirtaan hadday tahay horumar, hadday tahay aqoon, hadday tahay talo, hadday tahay waayo-aragnimo, hadday tahay ganacsi, hadday tahay caafimaad, oo aynu ognahay illaa heerka aad gaadhaan Qurbo-jooggu, waxaan isleeyahay hadday tahay Kuraasta ay Curyaamiintu ku socoto Qurbo-jooggaa keena, aad iyo aad baannu idiinkaga mahadnaqaynaa, dadkiinnuna waa idiin ogyahay, Illaahayna waa idinka abaal-marin doonaa” ayuu yidhi Muuse Biixi.

Muuse Biixi oo sii watay hadalkiisa waxa uu intaas ku daray oo uu yidhi; “Markaynu KULMIYE nahay, KULMIYE-nimadu qiimaha ay leedahay waxaa laga garan karaa horumarka dalku gaadhay. Waxaan isleeyahay magaca ugu mudan ee qof sheegto dalka Somaliland waa KULMIYE ayaan ahay ee qof sheegan karo, sababtana waan caddaynayaa. KULMIYE waa Xisbiga leh sumado gaar ah oo Xisbiyadii Soomaalida soo maray midna aanu la wadaagin ama mid iyo laba illaa 1960-kii marka dib loo eego. KULMIYE waa Xisbiga ka soo bilaabay isaga oo aan jirin is-abuuray, ka bilaabmay koox is abaabushay. Wadaaddada qaar baa la yidhaahdaa tuf bay leeyihiin, oo eraygoodu wuu kacaa, Raggii Xisbiga Bisinka u qabtay ee bilaabay oo Odaygaa Madaxweynaha ahi koow ka yahay oo Marxuum Fagadhe ka mid ahaa Tuf bay lahaayeen oo waa laga aqbalay maalintii, himiladii iyo higsigii ay lahaayeen raadkoodu waa cad yahay.”

Musharrax Muuse Biixi oo ka hadlayay sumado uu sheegay inay KULMIYE gaar u yihiin, waxa uu yidhi; “Kulmiye waa Xisbigii Soomaalida ugu horreeyey ee Ninkii hoggaaminayey isagoo Xisbigu jiro qof kale ku wareejiyey. KULMIYE waa Xisbiga qudha ee Soomaali iyo malaha Afrika-ba  ee intuu Xukuumad dhaliyey Xisbigii iyo dowladdii kala saaray ee intuu labadoodii is-garab-waday ku guulaystay ee haddana mar labaad doorasho soo taagay isagoon is-qabsan. Xisbiga KULMIYE maanta waa Xisbiga Muxaafidka ah ee taladii haya ee Mucaaradkii ku leh doorashadii Madaxtooyada aan qabanno ee Mucaaradkiina dabada giijinayo, waa xigmad cusub iyaduna maanta.”

Waxa uu sheegay Muuse Biixi in Xisbiga KULMIYE yahay midka uu mustaqbalka Somaliland ka dhex-muuqdo, qofka horumar, midnimado iyo in dalku meel gaadho doonayaa ka dhex-muuqan karo KULMIYE, isagoo sidoo kale ku faanay Shir toddobaadkii hore lagu soo gebo-gabeeyey deegaanka Awr-boogeys oo ka tirsan gobolka Sool.

Sidoo kale, Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee KULMIYE Maxamed Kaahin Axmed, ayaa isaguna Munaasibaddaas ka hadlay, isagoo si gaar ah talooyin ugu jeediyey Qurbo-joogta reer Somaliland. “Idinku waxaad joogtaa dimuquraadiyadda, Siyaasadda iyo Asxaabtu dhulkii ay ka bilaabmeen. Markaa, waxaynu u baahannahay xaggaa Qurbo-joogoow inaad qabyaaladda kaga soo baxdaan oo Xisbinnimadu shaqayso, oo xubinnimo jirto oo qaadhaan joogto ahi jiro, arrinkaannu idinku baraarujinaynaa koow waa kaas. Arrinka labaad ee aan laga hadlinina waxa weeye, dee Qurbo-jooggii waynu ku dabar-go’aynaaye Carruurta iyo dadka soo celiya.” Sidaa ayuu yidhi Maxamed Kaahin.

Maxamed Kaahin oo sii watay hadalkiisa waxa uu intaas ku ladhay; “Carruurtu markay halkan timaaddo waxay dareemaan Afkooda Soomaaliga iyagoo garanaya inay jejebinayaan bay ka xishoodaan. Markaa, Carruurta innoo soo celiy, waayo? Waxaynu doonaynaa in Carruurteenna iyo dadkeennu inay la barbaaraan dhaqankeenna.” Waxaanu Maxamed Kaahin u soo jeediyey Qurbo-joogga KULMIYE in sannadkan looga baahan yahay inay culays badan isa saaraan, si uu mar kale KULMIYE ugu guulaysto doorashooyinka Madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada oo u muddaysan bisha Maarso ee 2017-ka.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Samsam Cabdi Aadan oo ka mid ahayd Wasiirradii Xafladdaas ka hadlay, ayaa sidoo kale ammaantay doorka ay Qurbo-jooggu ku leeyihiin dalka iyo dadka Somaliland, iyadoo sheegtay inay si weyn uga qayb-qaataan Gurmadka Abaaraha, horumarinta iyo dib-u-dhiska dalka.

“Caawa waa habeen farxad leh, waa habeen ay Bahwayntii KULMIYE isu timi hadday Qurbo-joog yihiin iyo hadday Qaran-joog yihiin-ba, waxaynu halkan Xaflad ugu dhigaynaa oo ku soo dhawaynaynaa Mujaahid Muuse Biixi Cabdi oo ah Musharraxa Xisbiga KULMIYE oo aynu rejaynayno Madaxweynaha Mustaqbalka ee Siilaanyo beddelaya Insha Allaah, cududdeenna, isu-taggeenna iyo wanaaggeenna ayeynu ku soo saaraynaa. KULMIYE wuxuu taariikh ku leeyahay inuu halgan iyo mujaahidnimo uu ku shaqeeyo, dadka oo dhanna soo dhaweeyo. Waxaan leeyahay dadka Qurbo-joogga ah aad iyo aad baannu idiin soo dhawaynaynaa.” Sidaa ayey tidhi Wasiir Samsam Cabdi Aadan.