War Deg-deg Ah: Xukuno Kala Duwan Oo Lagu Riday Eedaysanayashii Loo Haystay Dilkii Taliye Casayr Iyo Qaabkii Uu Xukunku U Dhacay.

0
726

Wararka hadda nasoo gaadhaya soona ayaa sheegaya in xukuno kala duwan oo iskugu jira dil iyo ganaax xadhig ciqaabeed ah lagu riday eedaysanayashii loo haystay dilkii taliye Casayr oo ahaa taliyihii ciidamada booliska gobolka saaxil oo horaaantii sanadkan lagu diley duleedka magaalada berbera

Eedaysanayashan oo ahaa 11 eedaysane ayaa Waxa maxkamada ciidamada militeriga Somaliland oo dacwadan iyadu ka garnaqaysay ay sheegtay in 9 qof oo kamida eedaysanayaashan xukuno iskugu jira dil iyo ganaax xadhig ciqaabed ah ku irdey.

Waxaan maxkamada ciidamada Militeriga  go’aan ay soo saartay saaka ku sheegtay in 8 kamida eedaysanayasha lagu xukumay xadhig ciqaabeed, halka hal qofna lagu xukumay dil toogasho ah kaasi oo ahaa ninkii fuliyay dilka taliye Casayr,sidoo kalena waxay maxkamadu xoriyadoodii usoo celisay laba eedaysane.

Waxana dhagaysiga maxkamada eedayashayaashan kasoo xaadirey 6 eedaysane halka shan kale ka maqnaayeen laakin xukunku uu ku dhacay.

Eedaysanaayaashan la xukumay ayaa wax ku jira gudoomiye ku xigeenkii hore ee gobolka saaxil mudane Xaamuud oo isagu ahaa ninkii ay wada socdeen gaadhigana wada fuushanaayeen taliyaha markii lasoo weeraray dilkana loo gaystay, waxaana  la sheegay in maxkamadu ku xukuntay 8 bilood oo xadhig ciqaabeed ah.

Gabagabadiina maxkamada ciidamada Militeriga Somaliland ee kiiskan gacanta ku haysay ayaa amartay in lasoo qabto 5 eedaysane oo ay maxkamadu xukuntay saaka oo aan goob joogayaal ka ahayn dhagaysiga dacwada isla markaana la waayay meel ay jaan iyo cidhib dhigeen.