Turkiga Oo Madaxtooyada Somaliland Cadaadis Ku Saaraysa In La Masaafuriyo Nile Academy

0
870

Dawladda Turkiga ayaa dawladda Somaliland cadaadis ku saaraysa in dalka laga saaro hay’adda Nile Academy oo ay dawladda Turkigu ku xidhiidhisay inuu leeyahay ninka lagu magacaabo Fethullah Gulen oo lagu eedeeyay inqilaabkii Turkiga ee fashilmay.

Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire, ayaa hore u cadeeyay inaanay Somaliland marna dalkeeda ka saarayn hay’adda Nile Academy ilaa ay ku gefto shuruucda Somaliland, waxaanu sheegay inaanu Somaliland khusaynin amarka ay dawladda Somaliya dalkeeda kaga saartay shaqaalaha iyo madaxda Nile Academy.

Hase yeeshee dawladda Turkiga ayaa bilowday inay madaxtooyada Somaliland saarto cadaadis diblomaasiyadeed oo ay kaga dalbanayso in dalkeeda laga saaro madaxda iyo shaqaalaha Nile Academy. Qunsulka Turkiga ee Hargeysa jooga ayaa shirjaraa’id oo uu qabtay wuxuu ku sheegay inay dawladda ka sugayaan jawaabta ay ka bixiso dalabkooda ah in Somaliland laga saaro Nile Academy.

Sidoo kale, ilo kale oo xogogaala ayaa Geeska Afrika u sheegay inuu masaafurinta Nile Academy si toosa madaxweyne Siilaanyo uga codsaday xildhibaan Dr. Kani Torun oo ka tirsan baarlamaanka Turkiga islamarkaana ahaa safiirkii hore ee Turkiga u joogay magaalada Muqdisho. Madaxweynaha Siilaanyo iyo ninkan ayaa ku kulmay dalka Turkiga, markii uu Madaxweyne Siilaanyo booqashada ku tagay toddobaadkii hore, waxaanu Mr. Torun ahaa ninka Madaxweyne Siilaanyo ku qaabilay dalka Turkiga.

Haddaba, waxa ay shacabka Somaliland isha ku hayaan in Madaxweyne Siilaanyo ta’kiidiyo go’aankii uu hore ugu dhawaaqay wasiirkiisa arrimaha dibadda oo aan Somaliland laga saarin Nile Academy mar haddii aanay dambi ka gelin Somaliland iyo inuu aqbalo codsiga dawladda Turkiga oo uu markaas buriyo hadalkii wasiir Sacad Cali Shire.

Dawladda Turkiga ayaan marna isku si ula macaamilin Somaliland iyo Somaliya. Dalka Somaliya waxa ay ka fulisaa mashaariic kala duwan oo isugu jira dhaqaale iyo horumar, halka aanay Somaliland marna ka fulin mashaariic macno leh marka laga reebo deeqo kooban oo isugu jira timir iyo wax la mid ah.

Sidoo kale dhinaca siyaasadda iyo diblomaasiyadda ayay dawladda Somaliya si toos ah ugu garab gashaa iyadoo uu madaxweynaha Turkigu ka dhistay magaalada Xamar safaaradda Afrika ugu weyn,  halka aanay Somaliland wax kale iska daayee ku dhiiran weyday inay ka dhisato safaarad ay dhismaheeda leedahay.