Shaqaalaha Dekedda Berbera Qaarkood Oo Cabasho Ka Muujiyay Liiska La Wareejinayo Ee Shaqaalaha Oo Laga Reebay Iyo Lacago Ka Maqan

0
802

Shaqaalaha Muruq-maalka ah ee ka shaqaysta Rogista iyo Rarista Badeecadaha kala duwan ee ka dhoofaya iyo kuwa ka soo dega Dekedda magaalada Berbera, ayaa sheegay inay dawladda ka doonayaan waxay xaq u leeyihiin maaddaama oo Dekedda lagu wareejinayo Shirkadda Imaaraadka Carabta laga leeyahay ee Dubai Ports World oo ay Xukuumadda Somaliland dhawaan heshiis la gashay.

Shaqaalahan oo shalay Bannaanbax cabasho ah ka sameeyey magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil, waxay sheegeen inay wax badan ka qayb-qaateen horumarka Somaliland iyo ka Dekedda Berbera, isla markaana ay is-kaa-wax u qabso ku dhiseen qaybo ka mida Dekedda Berbera sida meesha Koontiinarrada lagu rogo iyo goobaha kale ee Dekedda, sidoo kalena Tan kasta oo ay rogaan ama raraan ay ka qaadaan lacag dhan saddex Doollar iyo badh, isla markaana ay laba Doollar iyo badh iyagu qaadan jireen, halka Doollar ee kalena ay dowladdu goosan jirtay illaa 1993-kii.

Qaar ka tirsan Shaqaalaha Cabashada muujinayay ee Berbera Saxaafadda kula hadlay, ayaa faahfaahiyey waxyaabaha ay ka cabanayaan, waxaanay yidhaahdeen; “Ururkani waa urur weyn oo soo jireen ah oo illaa Ingiriiskii jiray. Annagu halka tan waxaannu ku rognaa saddex doollar iyo badh, saddexdaa doollar iyo badhkaa waxaannu annagu qaadannaa laba doollar iyo badh, halka doollar ee kale waxa qaadata dowladda, 1993-kii ayuu Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal markii uu halkan yimi Allaah ha u naxariistee Ururka Salfa-dooranka ka codsaday inay halkaa doollar u jaraan dowladda muddo saddex sano ah.”

Mid ka mid ah Shaqaalahaas oo sii waday sharraxaadda waxa ay yihiin iyo waxay doonayaan, ayaa yidhi; “Hase-ahaatee, halkii doollar lama soo celin, illaa maalintaa illaa maanta halkaa doollar sidaas ayuu nooga maqnaa, waxaannu ahayn dad dalkooda caawinayey oo ka qayb-qaadanayey dhismihiisa, waxaannu ahayn Shirkad wax soo-saar oo dakhli soo gelisa dowladda ee mid iyada wax ka qaadata maannaan ahayn. Halkaas markay marayso waxa la yidhi; ‘Carab ayaa lagu wareejiyey Dekedda’ ma diiddanin oo annagu waannu soo dhawaynaynaa horumarka iyo maalgashiga.”

Waxaanu intaas ku sii ladhay; “Laakiin, maaddaama oo aannu ahayn Shirkad Dakhli soo gelisa dowladda, dowladda dhexe haddaanay ogeyna Maareeye ayaa u jooga dekedda, Annaga waxa nalaga dhigay Shaqaale aan joogto ahayn, Maareeyuhu waxa uu gudbiyey 840 qof oo Shaqaalaha rasmiga ah ee Liiska Shaqaalaha dowladda ku jira, laakiin, annagu waxaannu ahayn kuwo ka qaalisan kuwa liiska Mushaharka ku jira, waayo dakhli baannu dalka iyo dowladda-ba soo gelinnaa.”

Sidoo kale, Nin Oday ah oo isaguna ka mid ahaa Xubnaha u hadlay Shaqaalaha Rarka iyo Rogidda Badeecadaha kala duwan ee Dekedda ka soo dega iyo kuwa ka dhoofaya, ayaa yidhi; “Waxaannu Wasiirrada, Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka-ba ka codsanaynaa, in xaqayaga la doono oo Lacagtii nalaga jari jiray ee la odhan jiray Bangigaa lagu shubo naloo xisaabiyo. Waydinkaa arkaya oo Shaqaale jajaban oo shaqadan ku jajabay baa I agjooga, in badan baa ku dhintay. 13 sano oo aannu qalab yar helnay baa dhimashadayadii iyo dhaawacayagi yaraaday.”

Sidoo kale, mid ka mid ah Shaqaalahaas, ayaa yidhi; “Waxaannu leenahay dowladdayada haddii nalaga maarmay, Naag la furay baa ka maarmi wayday in Meherkeeda la siiyo, markaa waxay ahayd inay dowladdu nala hadasho oo ay wax na weydiiso, ee haddii nalaga maarmay waxaannu codsanaynaa in Xaqayaga nala siiyo nalaga jarayey illaa 1993-kii.”