Madaxweyne Silaanyo Oo Xafiiskiisa Kulan Kula Yeeshay Dublamaasiyiin Ka Socota Midowga Yurub Iyo Ingiriiska

0
659

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo ayaa xafiiskiisa ku qaabiley safiirka midowga yurub u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya, Michele Cervone D’Urso. iyo ku xigeenka Safiirka Ingiriiska ee Ethiopia, Ms Cat Evans oo ay weheliyaan diblomaasiyiin kale.

Sidaana waxa lagu sheegay war-saxaafadeed uu soo saaray af-hayeenka madaxtooyada Somaliland oo u dhignaa sidan:- Madaxweynaha ayaa ku soo dhaweeyey dalka iyo qasrigaba masuuliyiintani, waxaanu intaas raaciyey inuu uga mahadnaqo wadashashaqaynta ay leeyihiin EU iyo  Somaliland, oo uu ku tilmaamay Madaxweynuhu mid meelmar ah oo shaqaynaysa, waxaa kaloo madaxweyunuhu midowga yurub ka tacsiyadeeyey dhiillooyinkii ka dhacay magaalooyinka Paris, Niece, oo faransiiska ah, Brussels Belgium oo ah xarunta midowga yurub, iyo Munich oo Jarmalka ah, waxaanu sheegay inay masuuliyiinta gaadhsiiyaan tacsidaasi dalalka midowga yurub iyo bulshadoodaba.

Madaxweynuhu waxa uu yidhi “Waxaan idinku soo dhawaynayaa, Ambassadooro, dalka iyo xarunta madaxtooyadaba. Waxaan idinka mahadnaqayaa deeqaha midowga yurub iyo ingiriiskuba siiyaan Somaliland, oo ah wado-shaqayn cuddoon oo meel mar ah. Waxaanan idinku boorinayaa in xidhiidhkeenu halkaa ka sii socdo.”

Madaxweynuhu waxa uu caddeeyey sida uu u jecel yahay inay dunidu noqoto mid xasiloon, oo aanay dhicin gacan ka hadal iyo xasillooni darro, Somaliland ay qaybka tahay sidii loo heli lahaa duni badqabta.

Madxweynuhu waxa kale oo uu kala hadlay weftiga geedi socodka dimuquraadiyada Somaliland, taasoo uu ku tilmaamay inay sidii loogu tallogalay ay u socoto, mar uu arrintaa ka hadlaayey waxa ka mid ahaa “206 Goobood oo gobolka Sanaag ah ayaa si buuxda uga qabsoontay diwaangelinta codbixiyeyaasha ilaa imikana ay ka socotaa, dadka ku dhaqan gobolkaasi si weyn ayey uga qayb galeen, oo ay u soo dhaweeyeen iyagoo jecel in doorashadu si fiican u qabsoonto. Waxaana loo gudbi doonaa gobolka ugu dambeeya oo ah gobolka Sool, sidii looga hirgelin lahaa diiwaangelinta Codbixiyeyaasha oo ay dadweynaha gobolkaasi diyaar u yihiin”.

“Waxaan mar kale idinku celinayaa in aanay haba-yaraatee Somaliland qayb ka ahayn habdoorasho oo ka dhaca dalka Soomaaliya, balse aanu raalli ka nahay inay qabsadaan wixii ay iyaga wax ugu haggaagayaan, ka dawlad Somaliland ahaana ay walaalahood la jecel yihiin wanaag iyo jaarnimo, iyaguna ay dhawraan walaalnimada iyo deris wanaaga”, ayuu yidhi madaxweynuhu.

Madaxweynuhu wuxuu sheegay inay Somaliland ka go’an tahay inuu dhismo jidka isku xidha Berbera iyo Itoobiya, midawga yurubna laga rabo inay qaybtooda ka qaataan, Madaxweynaha oo arrintaa ka hadlayaana waxa uu yidhi “10km-na ha ahaatee waxa naga go’an jidka Berbera Corridor oo dhisma, idinkana waxa aanu idinka rabnaa inaad qaybtiina ka qaadataan oo aad weliba dhakhsataan.”

Ugu dambayn Madaxweynuhu waxa uu kala hadlay weftiga doorashada soo socota March 27-2017 inay ka go’an tahay Somaliland inay wakhtigeeda ku qabsoonto waxaanu intaa raaciyey Madaxweynuhu inay saddexda Xisbi Qaran wado hadal uga socdo caqabada qudha ee hortaagan doorashada wakiilada oo ah saami qaybsiga kuraasta golaha wakiilada

Dhiniciisa madaxa weftiga Michele Cervone D’Urso oo isna halkaa ka hadlay ayaa madaxweynaha uga mahadnaqay, soo dhawaynta uu u sameeyey madaxweynuhu, waxaanu intaa raaciyey oo uu yidhi “Madaxweyne waad ku mahadsan tahay qaabilaada aad na qaabishay, waxa aan ka soo qaybgalnay carwada aan laga maqnaan Karin ee Sagaalaad ee qoraalka iyo dhaqanka ku saabsan ee ka socota Hargeysa.”

Safiirka Midowga yurub iyo ku xigeenka Safiirka Ingiriiska ee Itoobiya waxay ku celceliyeen in doorashada Somaliland wakhtigeedii ku qabsoonto, kuna hambalyeynayaan madaxweynaha sida waayeelnimada ah ee uu u hogaaminayo habsami u socodka dimuquraadiyada dalka, iyo sida ay u socoto diiwaangelinta Codbixiyeyaashuba.

 

ALLAA MAHAD LEH

 

Cabdiraxman Sh. Cilmi Fahiye (Shamax)

         Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

7-11 8-9 3-24-740x493 2-37-740x493 4-19-740x493