Ma Dhabaa In Xisbiga KULMIYE Dabada Ka Riixayo In La Soo Dadajiyo Xil Ka Qaadis Lagu Sameeyo Wasiir Zamzam Oo Booskaasi Loo Dhiibo La Taliyaha Madaxweynaha Ee Arrimaha Dhaqaalaha??

0
881

Warar Xog Ogaal oo Wargeyska Foore helay oo maalmihii u dambeeyay si weyn loo hadal hayay islamarkaana Suuqyada Siyaasada Soo galay ayaa daaha ka rogay in Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi uu dabada ka riixayo Xil Qaadis lagu sameeyo Wasiiradda Maaliyadda Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan,taasi oo la sheegay inay salka ku hayso Dano Dhaqaale,waxaana la sheegay inuu Degta ku sito masuul kale oo uu doonayo in lagu badelo oo ay isku jufo hoose ka soo wada Jeedaan Wasiir Samsam,kaasi oo maalmihii udambeeyay dalka ku sugan.

 

Illo-Wareedyadyadan oo naga soo gaadhay Shaqsiyaad u dhuun daloola Madaxtooyadda Somaliland iyo Wasaaradda maaliyadda ayaa noo xaqiijiyay in Gudoomiyaha Xisbiga KUlMIYE Muuse Biixi Cabdi iyo Hogaanka sare ee Xisbiguba si weyn u ruclaynayaan Sidii shaqada looga caydhin lahaa Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan oo sida la sheegay xidhiidh aan wanaagsanayn la leh Hogaanka Xisbigaasi islamarkaana ay dhawr jeer ka hor istaagtay Kharash aan haboonayn oo Masuuliyiinta Xisbigaasi ka doonayeen Wasaaradda,kaasi oo la sheegay inay ku dabarayeen Ololaha Maalinlaha ah ee ay galaan,waxaana la sheegay inay arintaasi keentay in Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Waysada u biyaysto sidii Marwo Samsam Xilka looga qaadi lahaa islamarkaana loogu badeli lahaa Shaqsi uu rog rogto oo uu danihiisa dhaqaale ka fushado maadaama oo ay ku jiraan Wakhti Olole.Gudoomiyaha Kulmiye ayaa si weyn u danaynaya sidii Marwo Samsam ugu jiri lahayd Isku Shaandhayntan la hadal hayo laakiin lama hubo halka ay doonistiisaasi ku dambayn doonto maadaam oo ay Samsam ka mid tahay Shaqsiyaadka ugu Awooda Badan Golaha Wasiiradda Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo.
Majiro War rasmi ah oo arintani ku saabsan oo ka soo baxay Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye balse sida la hadal hayo waxa jooga oo dalka oo soo galay Lataliyaha Madaxweyne Siilaanyo ee Dhinaca Arimaha Dhaqaalaha Axmed Xasan Carwo oo uu Muuse Biixi doonayo in Marwo Samsam lagu badel kaasi oo si Weyne Muuse Biixi ugu soo ololeeyay Wakhtigii uu u halgamayay Musharaxnimadda Xisbiga KUlMIYE ee Kal-hore loo cumaamaday. Warar kale ayaa sheegaya in Masuulkani loo Magacaabayo Xil kale oo sare,sida Agaasimaha Baanka Dhexe, waxaana ay noo sheegeen dad ay saaxiibo dhaw yihiin Axmed Carwo inuu si buuxda ugu kalsoon yahay inuu ka mid noqdo Isku shaandhayn la sheegay inuu Soo wado Madaxweyne Siilaanyo,waxaanu si gaar ah dad badan farta ugu fiiqay in loogu yeedhay Xil Wasiirnimo kaasi oo u sansaan eg inuu raajicinayo inay dhabawdo Aragti uu Muuse Biixi la daba socdo ee ah in lagu badelo Marwo Samsam oo ah masuul aan ka degin Xil Wasiirnimo intii ay jirtay Xukuumadda Kulmiye,Waxaanay ka mid tahay Masuuliyiinta awooda ku agleh Madaxweyne Siilaanyo.
Warar Kale ayaa sheegaya in Marwo Samsam ay hore Madaxweyne Siilaanyo uga dalbatay inuu nasiyo islamarkaana ay doonayso inay Buuqa iyo Shaqada ka yar nasato.