Xildhibaan Kijaandhe Oo Ku Gacan Saydhay Isbahaysiga Kulmiye Taagero Buuxdane Siyay Muuse Biixi

0
940

Xildhibaan Kinjaandhe Oo Shaaciyay Inuu Ka Baxay Garabkii Isbahaysiga KULMIYE

Xildhibaan Axmed Cabdi (Kijaandhe) oo ka mid ahaa musharaxiintii u tartamayay Musharaxa madaxwayne ee Xisbiga Kulmiye ayaa sheegay inuu  ka baxay Isbahaysigii Kulmiye ee ka cadhooday Shirkii Golaha Dhexe.

Xildhibaanka oo ka mid ahaa Musharaxiintii ka cadhooday Shirkii golaha dhexe Kulmiye ee Lagu Doortay Muuse Biixi ayaa sheegay inuu taageerayo Musharaxa Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi oo markii hore uu kasoo Horjeeday.

“Annigu isbahaysiga kama tirsani, waan ka baxay, muddo yar oo gaaban markay wixii iska laalmeen waxaan go’aansaday inaan xisbigii la shaqeeyo”ayuu Yidhi Xildhibaan Kijaandhe waxaanu intaasi ku ladhey “Kulmiye Anniga oo inta ka yar ayaan soo galay , waa la igu doortay, xoog badanbaa igaga jira markaa intaasi yar kaga tagi maayo”

Xildhibaanku waxaa uu sheegay in Muuse Biixi Oo dalka usoo dagaalamay islamarkaana uu yahay musharaxa kaliye ee Xisbiga Kulmiye.“Muuse Biixi waan dhisayaa, waan daba socdaa, waa musharaxayga maanta, xisbiga intiisii badnayd ayaa isku raacday, Muuse aragtidiisii uu isagoo gadhmadoobe ah kaga baxay Ciidankii ayaa ku jirtay oo aan ka dhamaan markaa wuu muteystay in la taageero”ayuu yidhi Kijnaadhe.

Xildhibaan Kijaandhe ayaa ahaa musharaxiintii aan ka qayBgalin  shirkii golaha dhexe Kulmiye,  kadib markii ay sheegeen inay jirto cadaalad daro ka dhex jirta Xisbiga Kulmiye, Xildhibaanku waxaa uu ahaa musharaxiintii madaxwayne Siilaanyo ku dhaliilay inuu kala raacay Musharaxiinta Xisbiga.

Xildhibaan Kijaandhe,  waxaa uu sidoo kale shirkii golaha dhexe Kulmiye ku tilmaamay shir xaaraan ah oo loo afduubay Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi.

Siyaasiyiinta Ishabaysiga Kulmiye ee uu maanta Ka baxay xildhibaan Kijaandhe ayaa wadahadalo kula jira Xisbiyada Mucaaridka ee UCID iyo WADDANI.