Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Oo Farriin Adag U Diray Shirkadaha Laydhka

0
868

Wasiirka wasaarada arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde ayaa farriin adag u direy shirkadaha korontada bixiya ee gobollada dalka Somaliland iyo waliba dawladaha hoose ee degmooyinka dalka.

Wasiir Waran-cadde, waxa uu sidaasi ku sheegay shir jaraa’id oo uu shalay ku qabtay xafiiskiisa magaalada Hargeya, waxaanu ugu baaqay shirkadah Laydhka bixiya iyo dawladaha hoose ee dalka in ay ka wada shaqeeyaan sidii ay kor ugu qaadi lahayeen bilicda iyo horumarka magaalooyiinka dalka.

, “Waxaa jira niman ganacsadayaal ah oo magaalooyinka gobollada dalka u shida laydhka, nimankaas waxaan u arkaa in ay yihiin han kaliyeyaal. Waxa weeye hankaliyaaluhu waxa weeye qofka aanay isaga waxba dhaafin.Waxay ku dedaalaan in ay guriga gudihiisa laydhka u shidaan, laakiin waxaa ka maqan in wixii dadku ku lahaa ay qabtaan, waliba iyaga oo dadka ka qaadaya lacag qaaliya,”ayuu yidhi Wasiirka Daakhiligu.
Mr. Waran-cadde, waxa uu ugu baaqay shirkadaha bixiya adeega laydhka in ay ku dedaalaan sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen bilicda magaalada iyo iftiiminteeda, waxaanu yidhi “Shirkadaha laydhka waxaan caawa halkan amar uga soo jeedinayaa, amaanka, bilicda iyo nadaafada magaalooyinku waa waxa y ku macaashayaan, qof waliba waxa uu u baahan yahay in uu laydh helo, sidaa darteed waa in ay ku daraan wixii dadka dantooda ah, waa in aanay guriga gudihiisa oo kaliya aanay lacag ka qaadanine waa in ay dariiqyada magaalada ku xidhaan laydh, oo ka qayb qaataan bilicda magaalada.”

“Dhaqaale badan ayaa ka soo gala bixinta adeega laydhka, waa laga yaabaa in ay yidhaahdaan cashuur baa nalaga qaadaa, laakiin cashuurta ay dawladdu ka qaadaa maaha cashuur la sheegi karo, waa wax bilaash oo kale u eg, waa waxyaabah aynu ugu tallo-galnay in dhaqaalaha dadkeenna iyo ganacsatadeennu koro,” ayuu yidhi Wasiirka wasaarada arrimaha gudaha waxaanu intaasi ku daray “Maanta way koreen oo waynu aragnaa, markaa in ay iyaguna dadka wax ku soo celiyaan ayaa loo baahan yahay, oo ay guri kasta hortiisa laambad ka shidaan oo ay dariiqyada shidaan, dhammaan dawladaha hoose ee dalka waxaan u soo jeedinayaa in ay arrintaasi noqoto mid khasab ah oo hirgasha, ciddii arrintaasi fulin waydaana ay noqdaan cid lagu qaado wixii xaqa loogu lahaa ee ay ka gaabiyeen.”