Sheekh Aadan Siiro Oo Sharaxaad Ka Bixiyay Afganbigii Dhicisoobay Ee Ka Dhacay Dalka Turkiga.

0
811

Sheekha caanka ah ee sida weyn loo dhagaysto, Sheekh Aadan Xaji Maxamuud Xiiray (Aadan Siiro) ayaa sharaxaad ka bixiyay afganbigii dhicisoobay ee ka dhacay Dalka Turkiga.

Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey (Sheekh Aadan-Siiro), ayaa Khudbaddii Jimcaha ee Shalay kaga hadlay Xaaladda Dunida Muslimiinta ee Xilligan iyo Afgembigii Dhicisoobay ee Toddobaadkii hore ka dhacay Dalka Turkiga.

 

Sheekh Aadan-Siiro oo Jimce walba khudbadaha uu jeediyo ku soo dara Xaaladaha ku soo kordha Dalka iyo Waddamada Dibadda, ayaa sheegay in Turkigu si aan sax ahayn ula dhaqmayo Shacabka Somaliland, laakiin Maaddaama oo ay yihiin Shacab Muslim ah loo baahan yahay in la garab istaago.

“Waxaynu ka hadlaynaa wixii ka dhacay Turkiga (Afgembi), iyadoo aynu ka xunnahay Dawladda Turkigu in aanay fahmin Qadiyadda Somaliland, wixii Dadka reer Somaliland lagu sameeyay isla-markaana aanay waxba innaga waydiin Taariikhda Nololeed iyo Halgankii aynu soo galnay. Haddana ula dhaqmi mayno sida Turkigu Somaliland ula dhaqmayo.”ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray oo uu si dul-xaadis ah uga warramay Taariikhda Turkiga illaa Wakhtigii uu xukunka Dalkaa la wareegay Mustafa Kamaal Ataturk oo ah Hoggaamiyihii bilaabay in Turkiga lagaga Aadaamo Afka Turkiga, “1912-kii ayaa Qasriga loogu galay Suldaan Cabdixamiid halkiisaa lagu dilay, Mustafa Kamaal Ataturk ayaa la soo saaray, waana markii Turkiga laga abuuray Arrinta imika la isku haysto ee Inqilaabku ku yimid, taasi oo ah Cilmaaniyadda. Cilmaaniyaddu waa Maxay ?. Cilmaaniyaddu waa Diinta iyo Siyaasadda oo la kala saaro ama Xukunka oo Diinta laga saaro, ama in Nolosha iyo Diinta la kala saaro. Mustafa Kamaal Ataturk wuxuu ka bilaabay, maxaa innaga dhexeeya Carabta, wuxuu Mu’adinnadii Masaajiddada Turkiga oo dhan ku amray inay Afka Turkiga ku Aadaamaan.”

Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud, waxa uu sheegay oo kale, “Jinsiyadda Qofka Muslimka ahi waa Al-caqiida, waa Kalmadda Tawxiidka, taasina waata Maanta keenaysa Turkiga oo aanu ku kala gedisan nahay Aragtida ay ku eegayaan Somaliland oo aanu leenahay waad khaldan tihiin ee dib u eega Qadiyadda Somaliland, haddana aanu Gaalada uga gargaareyno.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray in Madaxweynaha Turkiga ee Xilligan Recep Dayib Erdogan uu dhisay Caqiidada Dadka Turkiga, taasina keentay in qaarkood isku dhigaan Kaarayaashii ay wateen Ciidammadii doonayey inay inqilaabaan Xukuumadda Erdogan, “Markii Erdogan noqday Madaxweynaha, Turkigu wuxuu dhaafay Xuduudkii Gaaladu ogolaayeen, waxaanu yidhi Qofka Bani-aadamka ahi waa Xor. Shacabka Turkigu muxuu sameeyay?, Taangigii (Kaaraha) aad ogeyd inta tan ee uu yahay ayaa Qof is hor-dhigay, Markuusuu jiidhay, Haddana mid kale ayaa hor-jiifsaday kiina wuu jiidhay, kii Saddexaad baa isagoo arkaya in Labadii ka horeeyay Kaaruhu burburiyey jidhkooda hor-jiifsaday si uu u joojiyo Kaaraha. Dadku waxay diideen inay shaqeeyaan Diyaaradihii Dagaalka ee Ciidamada inqilaabku (Oo ay Dalka duqeeyaan)..”

Sheekhu wuxuu sheegay in Turkiga lagula dagaalamayo Islaamnida, waxaanu yidhi, “Yaa sameeyay Qiyamkaa ?,  waxa sameeyay kuwaa lala dagaalamayo (Xukuumadda Erdogan), waa Mushtamac Muslim  ah oo wax kala garanaya, markaasaa Yurub, Maraykan iyo Yuhuud yidhaahdeen waa in Hoggaanka Turkiga laga Takhalusaa oo aynu soo toosinaa kuwii inna Caabudi jiray. Markaa ILAAHAY Cadowgooda ha jabiyo Nimankaa Turkiga ee dedaalaya, iyagana waxaynu u direynaa sidaa aynu ugu gargaareyno inay Qadiyaddeena u fahmaan, waayo? Waxaynu nahay Muslimiin in badan Jaarkeena iyo Gaaladuba dulmiyeenne..”

Dhanka kale, Sheekh Aadan wuxuu ka hadlay Xaaladda Dalalka Kale ee Muslimiintu ku nool yihiin, isagoo ku dabbaqay Xadiis laga soo Weriyey Rasuulkeenna Muxamed (CS), “Rasuulku (CSW) wuxuu yidhi 1437 Sannadood ka hor, waxa soo dhawaatay in Ummadaha aan Islaamka ogoleyn ay iskugu kiin Habar wacdaan, sida Dadku marka raashinka la soo dhigo u wadaagaan Xeedhada. Xadiiskaasi wuxuu dabbaqayaa waxa Maanta ka socda Suuriya, Ciraaq, ee la doonayo in Masar iyo Sucuudiga lagu burburiyo, waxaa lala doonayo Turkiga oo ay ku nool yihiin dhowr iyo Toddobaatan Milyan, Aciidadiisuna tahay Ahlu-suna Wal-jamaaca.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey, “Saxaabadii uu Maalintaa Rasuulku (CSW) la hadlayey oo Tacajabay baa waydiiyey, Rasuulkii ILAAHAYOOW Maalintaa sidaa la noo wadaagayo ma waxaanu nahay Dad Tiro yar (Muslimiintu miyey tiro yaraanayaan) ?. Mayee waad badan tihiin buu yidhi Rasuulku (CSW), laakiin waxaad tihiin sida Daad-xoorta muuqata ee aan Tayada lahayn, waxaana idinku dhaceysa itaal-daro xagga qalbiga ah, oo waxaad jeclaan doontaa Adduunka, Dhimashadana waad karaahiyeysan doontaan, waa i taabsida imika ka socota Waddamada Muslimiinta, Waayo kuwaa Waddamada Muslimiinta haya (Maamula) waxa lagu odhanayaa dhowr Sannadood baanu kugu haynaa (Xukunka) ee waa inaad sidaa yeeshaa ‘Subxaannallaah’..”