Mr. Muzaffer Yuksel “Somaliland Ha Kala Doorato Turkiga Iyo Dugsiga Argagaxisada Taageera”

0
821

Qunsulka Wadanka Turkiga u fadhiya Somalilaand Mr. Muzzafer Yuksel, ayaa shaaca ka qaaday inay ogolaadeen xafiis siyaasadeed oo Somaliland ka furato caasimada Turkiga ee Ankara,  lana saxeexan doonaan Somaliland heshiis kastoo hore ay ula saxeexdeen Soomaaliya, inkastoo loo baahan yahay in masuuliyiinta Somaliland dedaalo ay kula wada xaajoodaan dhigooda Turkiga, laakiin u gudbiyeen xukuumadda Somaliland dacwad ku lidi ah Dugsi ka furan Hargeysa, kana warsugayaan jawaabta laga bixiyo.

Mr. Yuksel, Qunsulka Turkiga u fadhiya Hargeysa oo khamiistii warbaahinta ugu waramayey xafiiskiisa ayaa sheegay in dalkiisu si rasmi ah u ogolaaday xafiis Somaliland ka furato caasimada Ankara, isbedel balaadhan ku sameeyeen siyaasadoodii iyo cilaaqaadka u dhexeeya Somaliland.

Qunsulka Turkiga Mr Yuksel oo ugu horeyn saxaafada la hadlayey oo faahfaahin kooban ka bixiyey inqilaab habeenimadii 15-ka July koox ka tirsan ciidamada Turkigu ka fuliyeen dakiisa, balse  shacabka Turkigu si geesinimo leh uga horyimaadeen, una fashiliyeen ayaa si weyn u dhaleeceeyey falkaa, isla markaana sheegay inay uga mahadcelinayaan dhamaan wadamadii caalamka oo Somaliland ku jirto ee shacabka, xukuumada iyo Madaxweynaha Turkiga Erdogan isla garab taagay taageeradooda, iyo siday uga soo horjeedaan falkii inqilaabka, waxaanu sheegay in dhamaan shacabkii ku nafwaayey difaaca dalkooda yihiim shahiid, lana mid yihiin mujaahidiintii dagaaladii jabhada SNM ku shahiiday, dhamaantoodna u duceeyey in ilaahay janadiisa hoy uga dhigo.

Mr. Muzaffer Yuksel, Qunsulka Turkiga u fadhiya Somaliland ayaa shaaciyey in shacabka Somaliland iyo shacabka Turkiga wax badan wadaagaan diiniyan iyo dhaqanba, soona taxnaa ilaa wakhtigii dawladii Cusmaaniyiinta, waxaanu qiray inkastoo aanu dalkiisu fulin waxii laga filayey, laakiin, diyaar u yihiin inay balaadhiyaan iskaashiga u dhexeeya Somaliland, isla markaana la saxeexdo heshiis kastoo dhexmaray wadanka Soomaaliya, waxaanu yidhi,

“Xukuumada Turkiga waa u diyaar inay taageero kastoo ay u fidisay Soomaaliya la wadaagto Somaliland, tusaale ahaan hadaan la saxeexanay heshiis isfaham warbaahineed Soomaaliya, xukuumada Turkigu waa u diyaar inay mid la mid ah la saxeexato Somaliland, laakiin waa inaan wada xaajoodkiisa bilowno. Waxaan nahay laba wadan waa inaan ku dedaalo horumarinta iskaashigeena, laakiin masuuliyiinta ama wasiirada Somaliland uma socdaalaan Turkiga si ay wada xaajood ula soo yeeshaan dhigooda Turkiga. Waxaan nahay walaaladiin, waxba kuma kala duwanin, waxaan wadaagnaa diin iyo dhaqan soo taxnaa ilaa wakhtigii dawladii Cusmaaniyiinta, waxaan u joognaa inaan la shaqeyno shacabka Somaliland, waa laga yaabaa inaanan qabanin waxii nalaga filayey, laakiin wakhti ayey qaadanaysaa, aan samirno.”

Qunsulka Turkiga u fadhiya Somaliland Mr. Yuksel oo wax laga weydiiyey go’aam xukuumada Somaliland dhowaan ku sheegtay inaanay jirin sabab ay dalka uga saaraan dugsiga Turkish Nile Academy oo ku yaal Hargeysa, isla markaana dalka Turkigu ku eedeeyey inay ka dambeeyeen isku-deygii inqilaabka, iyo inay xidhiidh kala yeesheen madaxda Somaliland ayaa ku jawaabay,

“Maaha keliya wadanka Soomaaliya, wadammo badan oo caalamka ka tirsan ayaa dib u eegis ku sameeyey dhaqdhaqaaqyada iyo hawlaha ay dalalkooda ka wadaan kooxdan loo yaqaan FETO. Maxkamadaha Turkigu go’aamo badan ayey ka soo saareen in ururkaasi hawlo aragagxiso ku lug leeyahay, waxaanan qabaa inay waajib tahay in wadamadda caalamku wadajir ula dagaalamaan argagxisada. Xukuumada Somaliland waanu kala xidhiidhnay ugu gudbinay arrinka ururka FETO iyo hay’adaha ama Dugsiyada ay maamulaan sida Turkish Nile Academy, markaa jawaabta go’aankooda ayaan sugaynaa, hadday u baahdaan macluumaad dheeraad ah diyaar ayaan u nahay inaan u gudbino. Waxaanu nahay xafiis dublamaasi marti u ah Somaliland, waanu xushmaynaynaa go’aan kastoo ay gaadhaan, laakiin weli waanu sugaynaa go’aanka Somaliland, laakiin shacabka Somaliland ha kala doortaan danaha ugu jira Shacabka iyo xukuumada Turkiga iyo Dugsiga Turkish Nile Academy oo urur argagxiso maamulo.