Hargeysa:-Saddex Caruura Iyo Aabahood Oo Goor Dhawayd Ku Shuf Beelay Xaafad Ku Taala Magaalada Hargeysa+Sababta

0
659

War deg deg ah oo hada nasoo gaadhay soona gaadhaya xafiiska warqabadka shabakada Codkasomaliland ayaa sheegaya inay goor dhawayd guri ku yaala magaalada hargeysa gaar ahaan xaafada Xisbiga ee idaacada ay ku shuf beeleen sddex caruura iyo aabahood.

Waxaana wararka nasoo gaadhayaa ay sheegayaan in caruutan uu gubay aabahood oo la sheegay inay sida la sheegay dhibaato qoys haysatay, waxaana sidaasi noo sheegay mid kamida dad goob joogayaal ahaa oo ay shabakada Codkasomaliland wax ka waydiisay.

Saddexdan caruura iyo aabahood ayaa hada lasoo gaadhsiiyay cusbitaalka magaalada hargeysa.

Mid kamida dhakhaatiirta ka hawl gala magaalada hargeysa oo aan la xidhiidhnay aya noo sheegay inay saddexdii caruur ahaa ay mayd yihiin halka aabihii dhalay caruuratana aanay waxba kula jirin oo uu dhaawac halis ah yahay, xaaladiisa caafimaadna ay la tacalayaan dhakhatiirta cusbitaalku.

Wali waxa socda baadhitaano la taxaluqda sababta uu aabahani u gubay saddexdan caruura ee uu dhalay.