Gaadhi Tikniko Ah Iyo Maleeshiyo Isu Soo Dhiibay Ciidanka Qaranka

0
810

Wasaaradda Gaashaandhigga Somaliland,ayaa sheegtay in ciidanka qaranka Somaliland in uu sugayo dhammaan soohdimaha Somaliland ay la wadaagto Soomaaliya oo ay Somaliland daris kala yahay maamul goboleedka Soomaaliya ee Puntland.

Wasaaradda Difaaca Somaliland ayaa Puntland uga digtay in ay isku daydo in mar dambe in ay soo faro geliso dhulka Somaliland waxaanay ugu baaqday in ay deg-deg ugala baxdo faro-gelinta ay ku hayso deegaamada ay soohdinta ka wadaagaan Puntland Soomaaliya iyo Somaliland haddii ay ka waantoobi waydana in ay taasi sababi doonto in ciidanka qaranka Somaliland oo u taagan difaaca dalka iyo sugudda xuduudaha dalka oo aan cidna weerar ku ahayni in ay tallaabo ka qaadi doonaan Maamulka Puntland isla markaana Boosaaso iyo Garoowe la isku qabsan doono laakiin aan dib loogu wada hadli doonin gudaha Somaliland.

War Saxaafadeed uu soo saaray afhayeen u hadlay Wasaaradda Gaashaandhigga Somaliland oo arrintaa lagaga hadlay ayaa u dhignaa sidan. “Somaliland dal ahaan iyo ciidan ahaan iyo qaran ahaan midnaba cadow cid ay ku tahay ma jirto waxay u taagan tahay deris wanaag nabad ku wada noolaansho iyo iskaashi ay la yeelato dhammaan dalalka dariska,kuwa geeska kuwa qaaradda Afrika dalalka Khaliijka iyo guud ahaan caalamka oo dhan,waxaanay garawsan tahay in nabad qab iyo iskaashiga deriska iyo caalamkuba in ay tahay tallaabada ugu wanaagsan ee dunida casriga ah ee maanta in uu yahay furaha horumaraka.

Laakiin waxaa jira oo soo noq noqonayay muddooyin faro badan Somaliland-na u dul qaadanaysay faro gelin qaawan iyo gar darro maamulka Puntland ee Soomaaliya uu ku hayo deegaamada Somaliland ee Somaliland iyo Soomaaliya xuduuda ka wadaagaan taasoo mar kasta ay Somaliland ka eegaysay in arrintaa nabad-gelyo lagaga gudbo iyo in ay maamul goboleedka Soomaaliya ee Puntland ay ixtiraamaan soohdimaha sharci ee ay labada dal wadaagaan.

Laakiin Puntand marnaba kamay gabaanin daandaansigeeda gardarro ee qaawan tii ugu dambaysayna waxay weerar ku soo qaaday goobo ay ka socotay diiwaan galinta codbixiyeyaasah Somaliland oo ka tirsan degmada Dhahar. Laakiin ciidanka qaranka Somaliland ayaa iyagoo gudanaya waajibaadkooda qaran dalka ka difaacay.
Imikana waxaan u sheegaynaa Puntland in ciidanka qaranka Somaliland aanu cidna cadaw ku ahayn weerarna ku ahayn una taagan yahay difaaca dalka iyo dadka Somaliland taasoo ah mid ku waajib ah iyadoo dal kastaaba uu ilaashado ciiddiisa iyo calankiisa,laakiin haddii ay Puntland faraha kala bixi waydo deegaanada Somaliland ee ay faro gelinta ku hayso waxaan u sheegaynaa in aan mar dambe gudaha Somaliland lagu wada hadlayn ee ay ciidanka qaranku tallkaabo ka qaadi doonaan oo la isugu iman doono gudaha magaalooyinka Boosaaso iyo Garoowe. Puntland nabad-galyo in aanu ku wada noolaano iyo jaarnimo wanaag wuxuu ku jiraa in ay ka fogaato kana waan tawdo faro-gelinta iyo daandaansi ay ku hayso dalka Somaliland laakiin haddii ay diido Garoowe Iyo Boosaaso la degenaan maayo.”

Dhinaca kale waxaa uu sheegay afhayeenka u hadlay Wasaaradda Difaaca Somaliland in ciidanka qaranka Somaliland uu isu soo dhiibeen Gaadhi dagaal iyo ciidankii watay oo ka soo goostay Puntland isla markaana ay ku sugan yihiin imika xero ciidan oo ku taalla Sanaag.