“Fatwo Ay Culimada Islaamku Iskugu Yimaadeen Ayaa Waxay Ku Go’aamiyeen In Jaadku Xaaraan Yahay” Sheekh Dirir.

0
967

Sheekh Maxamed Cumar Dirir oo ka mid ah culimada magaalada Hargeysa ayaa sheegay in qaadka ama jaadku uu yahay xaaraan – kaddib buu yidhi markii ay ka fatwoodeen culimada islaamku oo ay ku sheegeen in uu yahay Mukhaadaraad.

Sheekh Cumar Dirir ayaa waxa uu sheegay in shir culimada diinta islaamku ay iskugu timid dalka Sucuudiga lagu go’aamiyay in qaadku yahay xaaraan isla markaana uu ka mid yahay waxyaabaha qofka muslimka ah ka xaaraanta ah.

“Kaddib markii culimadii caalamul islaam loo soo bandhigay ee uu ka mid noqday qaybaha mukhaadaraadka … sababahaa daraadeed culimada Islaamku waxay Fatwoodeen in uu xaaraan yahay oo aanu xalaal ahayn jaadku.

Tiro boqol caalam ku dhow ayaa isku yimi oo caalamul islaam oo dhan ka socota miiska ayaa lasoo saaray waa laga wada hadlay mukhadaraadka uu isagu ka mid yahay – waxa lagu go’aansaday dhowr iyo sagaashankii shir Sucuudi Careebiya lagu qabtay in uu Xaaraan yahay” ayuu yidhi Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Dhinaca kale, Geedka Jaadka ama qaadka ayaa waxa aad looga cunaa ama looga isticmaalaa inta badan deegaanada Soomaalida iyadoo ay aad usoo kordhayso tirada dadka cunta qaadka wallow meelaha qaar uu ka socdo olole looga soo horjeedo qaadka.

Si kastaba ha ahaatee, Somaliland ayaa waxa dhawaan yimid wefti ka socda dalka Kenya kuwaasi oo la sheegay in ay dowladda Somaliland kala hadleen sidii loogu qancin lahaa in dalka Somaliland loo soo dhoofiyo qaadka loo jaqaano Miiraha.