Muuse Biixi Oo Qudha Ayaa Musharax Ka Ah Sadexda Xisbi Qaranba Aanay Lehayn Musharaxiin Ucid Iyo Waddaniba,Eng Faysal Cali Waraabe

0
752

Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in go’aanka ay soo saartay Guddida Diwaangalinta Ururada siyaasada Somaliland lagu cadeeyay oo uu sheegayo inaanu Jamaal Cali Xuseen Ahayn Musharax Xisbiga UCID.

Guddoomiye Faysal Cali Waraabe oo Warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa waxaa uu soo dhaweeyay go’aanka Guddida Diwaangalinta Ururada Siyaasada waxaanu uu sheegay inaanay jirin sharci u diiday in uu isa soo sharaxo mar saddexaad Kursiga Madaxtinimada.

“Go’aanka Guddida diwaangalintu waxaa uu cadeeyay in  aanu Jamaal Cali Xuseen  ahayn musharaxa Xisbiga UCID” ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe waxaanu intaasi ku daray “ Aayad Qur’aan oo ii diidaysa inaan isa soo sharaxo ma jirto”

Hadalkan kasoo baxay Guddoomiyaha Xisbiga UCID ayaa muujinaya in Faysal Cali Waraabe uu mar saddexaad diyaar u yahay inuu iska soo sharaxo Xisbiga UCID oo uu uga qaybgalo doorashada Madaxtooyada ee loogu tartamayo Kursiga ugu sareeya Somaliland.