Faysal Cali Oo Fagaare Ilyartu Is Qabatay Ku Tilmaamay Suldaan Xirey Mid Aan Waligi Waxba Dhigan Aan Qalina Wax Ku Cu,,,,,,,,,,,

0
783

Danta GARXAJISNIMO Ee Ka Dhaxaysa Ninka Iskanderiya Degan Iyo Ninka Masallaha Hargeysa Degen Anigu Khayr Uma Arko

“Garxajiskan Uu Suldaan Xiiray Ku Baaqayo  Waxaanan U Arkaa Fidmo Nagu Celinaysa  1994-Kii, Waananu Hor-joogsanaynaa Oo Mana Dhacayso, Ciidagalena Waxa Uu Wax La Qabaa dadka Gobolka Hargeysa Degen” – Feysal Cali Waraabe

Feysal Cali Waraabe Oo Fagaare Ilyartu Is Qabatay Ugu Duur-xulay Suldaan Xiirey Oo Taageero u Muujiyey Siyaasiyiinta Abaabulaysa Midnimada Garxajis

Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe ayaa  markii u horreysay ka hadlay  shirka la weriyey in lagu soo noolaynayo midnimada Garxajisiya ee dhawaan qabanqaabadiisa lagu qabtay masallaha Hargeysa, kaasi oo uu ku tilmaamay in aanu ka turjumayn dan guud oo caam ah balse aragtiyo kale ku xidhiidhsan yihiin. Guddoomiye Faysal Cali WAraabe ooshalay ka hadlay xaflad lagu caleemo saaray suldaanka guud ee beellaha Maxamed Daa’uud [Guuyoobe] oo lagu qabtay tuullada Qoton-dabo ee degmada Sabowanaag ee gobolka Hargeysa ayaa si adag u naqdiyey hadal uu Suldaan Xiirey ku baaqay in lagu  taageero shirka Garxajiska. Guddoomiyaha hadalladiisiina waxaa ka mid ahaa “Anigu waxan aaminsanahay in Aanay maanta Somaliland Nabad ahaateen haddii aanu Suldaan Maxamed suldaan Cabdiqaadir berigii horseedin dagaalkii Sokeeye oo aanu saxeexin, waxaanu ahaa fidmadii berigaas dhacday ee Garxajisku la dagaallamay dawladdii Marxuum Cigaal”. Sidaa ayuu yidhi guddoomiye Feysal Cali Waraabe, waxaanu intaa ku daray isaga oo ku halqabansanaya suldaanka bariga Hargeysa oo isagu hadalka madasha uga horreeyey, “Garxajiskan uu ku baaqayo Suldaan Xiiray anigu khayr uma arko.    Waxaanse idiin sheegayaa inaynu qaran noqonay, maanta qarankanna aynu noqonnayna shan iyo labaatan sanno ayuu jiraa, waxaadse moodaa in aynu xooga saarno oo aynu muhiimadda saarno marka gabadh la bixinayo iyo  marka mid la caleemo saarayo. Maanta waxaan leeyahay reer Somaliland Suldaan kastaa waa reer Soomaliland’e horta dhulka ha isku yaraynina salaadiintaas. Qoddobka labaad waxaan leeyahay Salaadiintu maaha inay reer u shiraan. Hargeysi waxay u baahantahay inay ka shiraan biyaha ka shiraan, waddo inay yeelato ka shiraan laakiin ninka Iskandariya daga iyo ninka masalaha Hargeysa daga dan gaara oo ka dhaxaysaa anigu ma arko oo maanta garxajis uma arko. Ciidagale waxa uu leeyahay dadkaa reer Hargeysa ee gobolka ah ayuu la nasiib yahay la dan gaara yahay danta guudna way wada leeyihiin,  taa waxaan u aragnaa suldaan Xiirayaw  in ay tahay fidmo gaar ah oo nagu celinaysa 1994kii, waananu hor joogsanayna mana dhacayso”. Ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe. Waxaanu intaa ku daray “maanta waxaan la dardaarmayaa suldaan Sakariye waxanan leeyahay waxan oo salaadiin iyo cuqaal ah waxaa keenaya dawladdeennii baan weli adkaanin ee mustaqbalka qaran baynu noqon doonaaye, adigu weli inan yar baad tahaye waxaan ku leeyahay waxbarashadaada wado, waxaaa iman doonta maalin Cilmi  lagu kala bixi doono oo ay waxan oo salaadiin ahi iska shiixii doonaan.  Bal waxaad u fiirsataa Inanka Yare e Ciise U Ah Ugaasku, illaa hadda ayaa gurigiisa wax lagu dhex baraa oo cilmi uu ku bartaa, markaa cilmi baa lagu tartami doonaay oo Cumaamadaha iyo koofiyadaha waa layska tuuri doonaaye waxaan ku leeyahay wax baro”. Ayuu hadalkiisa ku soo gebogabeeyey Faysal Cali Waraabe.