AWR-BOOGAYS: Dullucda Shan Qoddob Oo Waaweyn Oo Xukuumadda Somaliland Iyo Beelo Saddex Degaa Kala Saxeexdeen

0
829

“Heshiiskaas Waanu  Fulinaynaa Idamka ILAAHAY, Way Naga Go’an Tahay In Qarankan La Mideeyo oo La Ururiyo”Wasiirka Madaxtooyada JSL

“Heshiiskan Waxaanu Balan-qaadaynaa Inaanu Fulinno Oo Dhinacayaga Aanu Ka Soo Baxno”Jiif Caaqil Xuseen Aadan Cadde

Shirweynihii nabadda ee loogu magac daray  Samo-talis ee labadii maalmood ee la soo dhaafay degmadda Awr-boogays ee gobolka Sool uga socday xukuumadda Somaliland iyo beelaha Sool, Xaysimo iyo Koonfurta Sanaag, ayaa shalay galab la soo gabo-gabeeyay, iyadoo laga soo saaray heshiis ka kooban shan  qoddob oo waaweyn oo la xidhiidha sidii beelahaasi ay wax ula qeybsan lahaayeen walaalahooda Somaliland.

Shirweynahan oo ay ka qeyb galeen ergo lagu qadaray laba boqol oo xubnood oo iskugu jiray madax-dhaqameed, siyaasiyiin, waxgarad iyo qeybaha kala duwan ee bulshadda saddexdaas gobol degta, ayaa weftigii xukuumadda Somaliland ee uu hoggaaminayay Wasiirka Madaxtooyadda Maxamuud Xaashi Cabdi la saxeexday heshiis lagu tilmaamay mid taariikhi ah oo kaalin togan ka qaadanaya maamul fidinta gobollada bari iyo sidii gobollada Sool, Xaysimo iyo koonfurta Sanaag looga hirgelin lahaa mashaariic horumarineed oo kor loogu soo qaadayo adeegyadda aasaasiga ah ee deegaamadaas oo ah qaar aad u hooseeya.

Heshiiskan waxa dhinaca xukuumadda qalinka ugu duugay Wasiirrada madaxtooyadda, khayraadka biyaha, warfaafinta, dib u dejinta iyo wasiirul dawlaha wasaaradda  Duulista. Qoddobadii labada dhinaca kala saxeexdeen waxay u qornaayeen sidan:-

“Xukuumada JSL iyo beelaha Maxamuud Bari, Hinjiinle, Kaskii qabe waxay isla fahmeen:                 

1-    Saami-qaybsiga

Wax ka qabashada  tabashada ay beelahani ka muujiyeen saami qaybsiga Goleyaasha qaranka, Xukuumada (Heer Qaran, Gobol iyo Degmo) , Komishanka  iyo shaqaalaha dawlada.

Si xal waara looga gaadho arrintan waxaa la isla gartay in guddi matalaya beelahan Maxamuud Bari, Hinjiinle, Kaskii-qabe ay kulan la yeeshaan Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland iyo cidda uu u igmaday ka dib marka lasoo afmeero diiwaangalinta gobolka Sool

2-    In la adkeeyo midnimada iyo wadajirka bulshada iyo qaranimada Jamhuuriyada Somaliland isla markaana ay yeeshaan iskaashi buuxa

 3-    Horumarka

Xukuumada JSL iyo beelaha Maxamuud Bari, Hinjiinle, Kaskiiqabe waxay isla fahmeen  dib u dhaca ku  yimi  deegaanada gobolada Sool, Sanaag iyo Xaysimo Si deegaanadaasi u soo gaadhaan horumarka baaxada badan ee ka socda Jamhuuriyada Somaliland inteeda kale  waxaa la isla qaatay:

  B. In mashaariic horumarineed oo qorshaysan laga hirgaliyo deegaanada Gobollada Sool, Sanaag iyo Xaysiimo kuwaas oo isugu jira kuwo dhow iyo kuwo fog “Short term and long term Projects”

T. In degmooyinka Koonfurta Sanaag, Sool iyo Xaysimo loo sameeyo kabka dawladaha hoose ka helaan dawlada dhexe

J. In maamulka dawlada lagu fidiyo dhammaan degamadaas oo dhan isla markaana la tayeeyo hay’adaha dawliga ah

X. In Xukuumadu dhiirigaliso ganacsatada iyo qurbojoogta deegaanadan ka soo jeeda ee u heelan in ay Mashaariic horumarineed ama maalgashi ka abuuraan deegamadooda iyo guud ahaanba dalka

Kh. In xukuumada Jamhuuriyada Somaliland iyadoo kaashanaysa  Madaxda dhaqanka ay abaabusho  shir caalami ah oo ay goobjoog ka yihiin Hay’adaha Caalmiga ah,  hay’adaha samafalka, ururada iyo wakiilada dalalka Somliland ka caawiya Horumarka Kaasoo looga gol leeyahay dib u dhiska iyo horumarinta deegaamada Sool, Sanaag iyo Xaysimo

D. In la dhiirigaliyo isdhex galka iyo isku xidhnaanta bulshada ku dhaqan deegaamada gobolada Sool, Sanaag, Xaysimo iyo deegaanada kale ee  Somaliland ee dhinacyada; waxbarashada, ganacsiga, dhaqanka , dhalinyarada iyo ciyaaraha si loo abuuro dareen walaaltinimo iyo iyo isjacayl bulsho

4-    Nabagelyada

In la adkeeyo amniga iyo nabadgelyada deegaanada gobollada Sool, Sanaag iyo Xaysimo Si loo meel mariyo higsiga iyo himiladan aasaaska u ah  nolosha bulshadana waxaa la isla fahmay:

B- In la abuuro lana  tayeeyo hay’adaha sida gaarka ah ugu xil saaran nabadgalyada iyo garsoorka

J- In dib u habayn, tayeyn iyo midayn lagu sameeyo ciidan beeleedyada gaarka u kala fadhiya ee deeganadan hoos yimaada

X. In qiimayn sax ah  lagu sameeyo ciidamadaa  si ay u helaan darajada iyo dalacadaaha ay mudan yihiin

Kh. In xoog la saaro la dagaalanka iyo  ka hor-tegga xaalufinta ba’an ee lagu hayo goynta dhirta , ugaadhsiga  duurjoogta iyo dhuxulaysiga.

D. In gaadiidka kala duwan ee ay wataan dadweynaha deegaankan ku dhaqani ay Xukuumada Jamhuuriyada Somaliland u samayso Sumada Gaadiidka Somaliland “SL Plate Number” dhamaan gaadiidka  dadweynaha ee aan haysan isla markaana lagu isticmaalo deeganada koonfurta Sanaag, Sool iyo Xaysimo si loo sugo amniga isla markaana loo sahlo isu-socdka bulshada .

F.G : arrintan waxay ku kooban tahay oo keliya  gaadiidka hadda la isticmaalo ee ku sugan deegaanadaa.

R. In xukuumadu xoog saarto iyadoo kaashanaysaa Madax dhaqameedyada kala duwan ee Goboladda Sanaag, Sool iyo Xaysimo sidii loo xalin lahaa dhacdooyinka iyo turxaamaha beelaha deegaanada dhexyaala , dhinaca kalena looga hortagi lahaa aargoosiyada iyo falalka dilka ah ee soo noq-noqda.

5-    Diiwaangalinta

Waxaa la isla fahmay in si balaadhan looga hirgaliyo  diiwaan galinta deegaamada koonfurta Sanaag, Sool iyo Xaysimo  si taasi u hirgashana  waxaa la isla qaatay :

B- In wacyigalin luxdan laga sameeyo deegaanada isla markaana loo maro tab iyo Xeelad  ka mug wayn sidii loo wacyigaliyey goboladii hore ee dalka ay ka qabsoontay diiwaangalintu

T– In Xukuumada JSL iyadoo oo kaashanaysa Komishanka Doorashooyinka qaranka  dib u eegis ku sameeyaan tirada iyo goobaha dadka laga diiwaan galinayo

J- In dib u eegis lagu sameeyo dheelitirka guddiyada doorashooyinka ee heer qaran. Heer gobol iyo Heer Degmo.”Allaa Mahad Leh.”

Geesta kalena waxa gunaanadkii shirkaasi ka hadlay Jiif Caaqil Xuseen Aadan Cadde iyo Jiif Caaqil Cabdirisaaq Maxamed Xasan,  waxaanay sheegeen inay ku faraxsan yihiin sida uu u midho dhalay shirkan nabadeed ee ay ku wada hadlayeen beelaha dega Sool, Koonfurta Sanaag iyo Buuhoodle, waxaanay  balan qaadeen  inay dhinacooda ka fulin doonaan heshiiskan oo uu ILAAHAY ka baryeen  inuu noqdo mid horumar u horseeda dalka.

Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi oo ka hadlay gabo-gabadii shirweynahaas, ayaa shaaca ka qaaday in Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ay ka go’an tahay hirgelinta heshiis taariikhi ah oo lagu saxeexay deegaanka Awr-boogays, ee gobolka Sanaag.

 “ ILAHAY (SWT) ayaanu ugu horayn u mahad naqaynaa innoo suuro geliyey munaasibadan iyo kulankan, isaga ayaa mudan inaynu u mahad naqno mar walba, ILAAHAY haddii aanu doonin waxba innoomay qabsoomeen, waxa aynu wadnaa waa camal khayr leh oo aynu ILAAHAY ugu dhawaanayno, danteenana aynu kaga arriminayno,”ayuu yidhi Wasiir Maxamuud Xaashi, waxaanu intaas ku kabay “Shirkan aynu isugu nimid ee SAMOTALIS, waxa uu innoo socday saddex maalmood, shirku marna golaha ayuu ka socday marna gaar ayuu u socday, waxaan aad ugu mahad celinayaa cuqaasha halkan joogta ee shirkan inagala soo qeyb gashay. Ragga halkan nala joogaa kuwo aanu sasabi karno, laaluushi karno ama xaduuli karno maaha, waxa weeyaan rag waxgarad ah, waa rag mutacalimiin ah, kuwo anaga naga aqoon badan ayaa ku jira, shirar badan oo nabadeed ayaan ka soo shaqeeyey ilaa 1991-kii, intaan arkayey rag ka xaajo qaadsan, oo waxoodu ka habaysan yihiin naadir ayaan ka arkay runtii, afgobaasi igama aha, si adag ayaanu u wadahadalnay, waxay ka turjumayeen dareenka dadkooda, anaguna waxaanu ka tujumanay dareenka Xukuumadda Somaliland iyo umadda inteeda kale.”

Mudane Xaashi ayaa sidoo kalena ka hadlay isbadal uu sheegay inuu ku yimid dadka deegaanadaasi waxaanu  yidhi “ Xaqiiqdii wax badan ayaa is badalay, bisaylka waxgaradka iyo quluubta ay maanta soo jeediyeen waanu ugu hambalyeynaynaa, shalay ayey ahayd markii waxgaradkan Isimadan iyo kuwa kale ee Dhulbahante-ba aanaan isla dhaafi jirin ciidanka naga qaada iyo wada hadli mayno hadaydaan qaadin, maantana waxa nalagu canaanayey waxqabad iyo nabada aan xoojino. Waxaanu garwaaqsanay in aynaan kala maqnaashaheena wax ku noqon Karin, waxaanu garwaaqsan nahay in tallo nin kaligii ahi uu qaatay aanu ka kale waxba ku toli Karin, markaas arrimaas oo dhan wax weyn ayaan u arkayey.”

Wasiirku waxa uu  geesta kalena ka hadlay heshiiskaasi ay qalinka ku duugeen waxaanu yidhi “Go’aamadaas la akhriyey ayaanu isla meel dhignay odayaasha, oo ku heshiinay, may ahayn go’aamo golle kaga kac ah, sidaaba iskugu maanu qabaneen, marba dhinac umaanu badalneen, waxaanu kaga wakiil nahay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, waxaanu kaga wakiil nahay Qaranka Somaliland. Heshiiskaas waxaanu ku dadaalaynaa inaanu fulino, idamka ILAHAY, way naga go’an tahay in Qarankan la mideeyo oo la ururiyo, way naga go’an tahay in dawlad-nimada iyo maamulka lagu fidiyo deegaamadan, waa dhul aad u wayn, waxana ka muuqda dib u dhac iyo inuu u baahan yahay maamul adag, waxa aynu samaysan doonaa talaabooyin qorshaysan.”

Wasiir Maxamuud ayaa sidoo kalena Odayaasha beelahaasi ugu baaqay inay dhinacooda fuliyaan heshiiskaasi waxanu yidhi“ Waxanu rajnaynaa inaynu dhamaanteen fulino heshiiskaas, waxa aynu ka shaqaynaynaa maanta inaynu dalkeenii dhisano, inaynu gacmaha is qabsano, inaynu qayrkeen iyo asaageenba la tartano.”