“Raysal-wasaaraha Itoobiya Ayaa Noo Soo Jeediyey Inaanu Diiradda Saarno Maal-gelinta Dekedda Berbera, Waayo….” ? Madaxa Shirkadda Ee DP World

0
720

Shirkadda Carbeed ee DP World oo Xukuumadda Somaliland la gashay Heshiis lagu Maalgelinayo Dekedda Berbera, ayaa markii ugu horeysay sheegtay in Dawladda Federaalka Itoobiya ku dhiiri-gelisay inay Maalgelin ku sameeyaan Dekedda Berbera, maaddaama oo Itoobiya u baahan tahay Deked daboosha baahiheeda Ganacsi.

Madaxa Shirkadda DP World Sultan Ahmed bin Sulayem, ayaa Wareysi uu habeen hore baahiyey Telefiishanka HCTV ku sheegay in Raysal-wasaaraha Itoobiya Mr. Haila Mariam oo ay la kulmeen u soo jeediyay inay Maalgeliyaan Dekedda Berbera.

“Dekedda Berbera waxay na soo jiidatay Muhiimaddeedu marka la eego Koboca dhaqaale ee uu filayo Dalka Itoobiya Sannadaha soo socda. Sida la ogyahay Itoobiya waxay gaadheysaa Koboc dhaqaale oo Ganacsiga iyo dhanka Warshadaha ah sida ka muuqata rabitaanka Dawladda federaalka Itoobiya iyo qorshahooda, taasina waxay noo muuqatay markii aanu la kulanay Raysal-wasaaraha Dalka Itoobiya oo noo soo jeediyey inaanu diiradda saarno Maal-gelinta Dekedda Berbera.” Ayuu yidhi, Madaxa Shirkadda DP World Sultan Ahmed bin Sulayem, waxaanu intaa ku daray, “Itoobiya waxa ka jira fursado badan oo Ganacsi oo Mustaqbalka la rajeynayo in Daaha laga rogo. Wakhti xaadirkan Badeecadaha Itoobiya waxay ka soo degaan Dekedda Magaalada Jabuuti, balse kuma filna suuqa Geeska Afrika marka loo eego baahida ka jirta Geeska Afrika, markaa si loo buuxiyo baahiyahaasi Ganacsi iyo furdaha halkaa ka jira, Dekedda Berbera waa meesha keliya ee door muhiim ah ka ciyaari karta in la daboolo baahida Ganacsi iyo dejinta ama dhoofinta Badeecadaha Kaargoo-ga ee Itoobiya iyo Dalalka Geeska Afrika ee aan Dekedaha lahayn, sidaasi awgeed Deked ahaan Berbera waa meel muhiim ah…”