Muuse Biixi Cabdi Oo Iftiimiyey In Muranka Saami-qaybsiga Kuraasta Golaha Wakiilladu Aanay Caqabad Ku Noqon Karin Doorashada Madaxtooyada Somaliland Ee Maarij, 2017-ka

0
667

“Baarlamanka iyo Guddoomiyaha WADDANI Waa Inay Doorashada Baarlamanka ka saaraan Cilladaha ku jira si labada Doorasho loo wada qabto, haddii kale Doorashadii Madaxweynuhu waa naga diyaar..” Musharraxa Madaxweynaha Ee Xisbiga KULMIYE

Guddoomiyaha Xisbal-xaakimka Somaliland ee KULMIYE, ahna Musharraxa Madaxweynaha ee Doorashada loo qorsheeyay inay Dalka ka dhacdo horraanta Sannadka dambe Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka hadlay Warar Maalmihii u dambeeyay sheegayay in Xukuumaddu ku mashquulsan tahay sidii mar kale Muddo kordhin loogu samayn lahaa Madaxweyne Axmed-Siilaanyo.

Muuse Biixi Cabdi oo Shalay ka hadlayey Munaasibad lagu qabtay Wasaaradda Hawlaha Guud ee Magaalada Hargeysa, ayaa sheegay in Xukuumadda iyo Xisbigeeda ay diyaar u yihiin in Doorashada Madaxtooyada wakhtigeeda lagu qabto, laakiin caqabadi ka taagan tahay Doorashada Golaha Wakiillada, waxaanu ugu baaqay Xildhibaannada Golaha Wakiillada iyo Guddoomiyaha WADDANI in laga shaqeeyo inay meesha ka saaraan Caqabadaha hor-yaalla qabsoomidda Doorashada Golaha Wakiillada Somaliland.

“Maalmahan Warbaahintu waxay aad u wad-wadeen oo ay Meel walba mariyeen Muddo kordhin baa la samaynayaa. Waxaan leeyahay Adeer Warkaa la nooma sheegin, KULMIYE, Xukuumadda iyo Madaxweynaha Arrin kordhin la yidhaahdo nooma taallo, Sababtana waan idiin sheegayaa, laba Doorasho ayaa isa saaran, ta Madaxtooyadu inay Wakhtigeeda ku qabsoonto waxa masuul ka ahaa Madaxweynaha oo ay khuseyso iyo Xisbiga KULMIYE oo sidii ay Ummadda kula heshiiyeen (ahayd) inay Wakhtigeeda ku qabtaan. Waxa caddaan ah in Madaxweynuhu tartanka ka baxay oo uu yidhi Anigu waan nasanayaa, dabadeedna uu Musharraxii Xisbiga Magacaabay, Xisbigiina hawshiisii dhamaystay, sidaana uu Xisbigu diyaar ugu yahay in Doorashada Wakhtigeeda la qabto. Markaa meel Arrinkaasi nagaga soo noqdo oo lana yidhaahdo Xukuumaddaa kordhinaysa garan mayno.” Ayuu yidhi, Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, waxaanu intaa ku daray in Caqabadi ka taagan tahay Doorashada Golaha Wakiillada, maaddaama oo aanu diyaar ahayn Xeerkii dib loogu soo dooranayey isla-markaana kala caddeynayey Saamiga Beelaha Somaliland ka kala helayaan Kuraasta Golaha Wakiillada, “Doorashada labaad waxa ka masuul ah Baarlamanka iyo Guddoomiyaha Baarlamanka oo ah Guddoomiyaha WADDANI (Cabdiraxmaan-Cirro). Waxaanu idiin sheegaynaa Annagu haddii nahay KULMIYE iyo Xukuumaddiisa nahay Doorashadii Madaxweynuhu waa naga diyaar, wax alaale iyo wax Carqalad ah oo ku gudbanna ma jiraan, wax laga shakiyo oo xaggayaga taallaana ma jirto. Laakiin, Baarlamanka iyo Guddoomiyaha Baarlamanka waxa laga rabaa inay Doorashada Baarlamanka ka saaraan Cilladaha ku jira si labada Doorasho loo wada qabto, haddayse Cilladuhu ka bixi waayaan, mar walba Doorashadii Madaxweynuhu waa naga diyaar..”